“Somaliland waa halka ugu nugul ee argagixiso ka aasaasmi karto”….Mary Harper
Sannadkii 2003dii, kolkii dhaqdhaqaaqa argagixso ee xooggani ka istaadhmay Geeska Afrika, dilal qorshaysanna ay ka kala dhaceen magaalooyinka Sheekh iyo Boorama, xukuumaddii Rayaale waxay mudnaanta koowaad siisay dhismaha Laanta amniga ee SL. Sirdoonkaasi wuxuu noqday mid ka mid ah sirdoonnadii ugu fiicnaa intii ay SL jirtay.
Wuxuu fashiliyey ugu yaraan laba weerar oo argagixiso oo aan waxba ka yarayn weerkii 2008dii. Sidoo kale, Laantaas Amnigu waxay ka hortagtay dilal qorshaysan, waxay heshay goobo kayd hubeed ahaa, iyo shabakado wada shaqaynayey laakiin aan wada joogin. Waxaa la soo xidhxidhay tobannaan qof oo qaarkood ahaayeen maskaxda wareejinaysay shabakadihii argagixiso.
Sirdoonka SL waxay feegignaantoodu cirka isku sii shareertay ka dib weerarkii argagixiso ee 2008dii, wakhtigaas oo xataa wax iska beddaleen qaabka ay dadweynaha ula macaamisho dawladdu.
Mushkiladda ugu weyni waxay ahayd inaanu wakhtigaas jirin xeer lagu hago haayaddaas sirdoonku.
Dabcan argagixisadii qaybo ka mid ahi waxay galeen xisbiyadii mucaaridka ahaa, si ay gabbood uga helaan. Markaas ayuu iscaydhsigii sirdoonka iyo argagixisadu weji cusub yeeshay. Xadhig kastoo argagixisada lagu beegsadaa, wuxuu u ekaaday xadhig siyaasadeed. Inkastoo dhanka kalena ay aad u koobnayd inay argagixisadu galaan xisbiyada siyaasadeed, waayo mabda’ ahaan waxay aaminsan yihiin in xisbiyadu gaalnimo yihiin.
La ma wada beenin karo in xadhig siyaasadeed jiray. Mararka qaar, xukuumaddii Rayaale Laantaas amniga waxay ka leexisay ujeeddadeedii, waxayna u adeegsatay sababo siyaasadeed. Wuxuu ahaa gefkii ugu weynaa ee ay samaysay
Waxay xadhig ku beegsatay qaar ka mid ah siyaasiyiintii mucaaridka ahaa ee Kulmiye. Siyaasiyiintaas waxaa ugu caansanaa Samaale, Gabboose, Maxamed Xaashi Cilmi, Xirsi Cali, Jamaal Caydiid iqk. Rayaale wuxuu gaadhsiiyey heer xataa uu dalalka jaarka ka dhaadhiciyo inay siyaasiyiintani argagixiso yihiin.
Sababtan awgeed, xisbiyada mucaaridku marna kama garaabin inay jiri karaan argagixiso gabbood ka dhiganaysa xisbiyadooda. Mar walba waxay u arkayeen xadhig siyaasadeed.
Sannadkii 2010kii markuu Kulmiye hoggaaminta dalka la wareegay, wuxuu dagaalkii koowaad ku qaaday Laantii Sirdoonka oo uu u arkayey inay ahayd hubkii ugu weynaa ee loo adeegsaday xilligii mucaaridnimadiisa, heer ay gaadhey inay magac ahaan uun u sii jirto laantaasi.
Sannadkii 2012kii, xukuumaddii Kulmiye waxay yabyabtay xeer Lr. 59, oo ka kooban 23 qodob, looguna yeedhay xeerka Sirdoonka. Xeerkaas haddii sidiisa loogu dhaqmo, wuxuu dhisayaa Sirdoon aan sir dooni karin, shaqada ugu weyn ee ay qaban karaanna yahay inay maqaaxiyaha soo xuuraamaan.
Intaas kuma ekaan, Kulmiye wuxuu oodda ka rogay qofaf xabsiyada ku jiray oo kooga ugu yar loo xidhay tuhun argagixisanimo, ka ugu badanna caddaymo adag loo hayey. Waxaa magaalooyinkii waaweynaa soo buux-dhaafiyey shakhsiyaadkii oo weli sita mabda’oogii. Qaarkood waxay imaamyo iyo khadiibyo ka noqdeen masaajiddo. Waxay heleen fagaarayaal waaweyn oo ay ku faafiyaan mabaadii’daa sumaysan.
10 sanno ka dib, xukuumadda Kulmiye weli ma ay dareemin halista ay yeelan karaan argagixsada suuqa lagu soo daynayaa. Bishii Ogos ee sannadkii 2021kii, Jaamac-Kuutiye, Inadhacadde, Daa’uud Saalax, Cismaan iyo Cabdilaahi Maxamuud Yuusuf ayaa la iska soo daayey. Shantan nin, laba ka mid ahi waxay ahaayeen kuwii dilalka qorshaysan ka geystay magaalooyinka Sheekh iyo Boorama.
Waxaa Hargeysa iska dhex joogey Aadan-Sunne oo gaadhey heer uu dhallinyar tobabar u furo. Waxaa si caadi ah baraha bulshada looga faafiyaa aragtiyo argagixisanimo, waxaa dalka isugu habarwacday shakhsiyaad dalalkii ay ku noolaayeen looga mastaafuriyey fikirkaas argagixiyaha ah.
Intaas waxaa dheer kumannaan ajaanib ah oo aan tixraacooga la hayn, sharcina lahayn oo dab kasta oo hura dhuxulo u noqon kara. Waxaa ka sii daran inaan bilow ilaa dhammaad, SL geesta aad martaaba aanay lahayn hal chekpoint. Xadka bari haddaad ka soo gasho, adiga oo aan baadhitaan macne leh la kulmin ayaad ka galbeed ka baxaysaa. Dabo iyo dacal, waa dal isu daloola.
Dhiirrigelinta argagixisanimo waxaa door weyn ku leh manhajka SL oo argagixiyihii Maxamed Cabdalle Xasan halyey ahaan ugu qoran yahay.
Caqabadda kale ee Sirdoonka SL haysataa waa mabda’a ay aaminsan yihiin ee isku midka u yaqaanna Sheekha iyo argagixisada. Waa mabda’ hadday ku sii dhegganadaan iyaga qudhooda dumin kara, ama ugu yaraan macne tiri kara muhiimadda shaqadooda.
Somaliland, waa dhuxul dambas huwan. Dhuxushaasi waxay wakhtiga ugu yar ku hurin kartaa dabka ugu badan, maadaama oo ay jiraan idmanayaal badan oo u dhegawaddani.
Xaalku waa isla siday sheegtay tifaftirihii hore ee BBC-du, Mary Harber, in SL tahay halka ugu nugul ee argagixiso ka aasaasmi karto.
Xigasho Maxamed Sharmaake