|

Musharax Cirro: Madaxweyne Biixi maamulkii doorashooyinka ciidamaduu ku wareejiyay

Hargeysa (QJ) – Murrashaxa Xilka Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ugu weyn Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Somaliland uu shalay u sheegay Saraakiil katirsan ciidanka qaranka.

Mudane Cirro ayaa Muuse Biixi ku eedeeyay in uu maamulkii doorashooyinka ku wareejiyay Ciidamada Qaranka.

Hadalka Musharax Cirro ayaa daaranaa in Madaxweynuhu uu afganbiyay nidaamkii doorashooyinka dalku ku caanka baxay.

“Waxaa Yaab Leh In Shalay Madaxweynuhu Awooddii Iyo Maamulkii Doorashooyinka Ku Wareejiyey Ciidanka Qaranka, Isaga Oo Sidaas Ka Hor Yidhi Saraakiil Ciidanka Ka Mid Ah Oo Uu Tababar U Xidhayey” ayuu yiri Musharax Cirro.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yirir ” Taas Oo U Muuqata Talaabadii Ugu Horreysay Ee Xukuumadda Muuse Kaga Guurayso Hannaanka Dimquraadiyadda Iyo Doorashooyinka Xorta Iyo Xalaasha Ah. Waxa Uu Ku Tiraabay In Ciidanku Maamulayaan Ololaha Xisbiyada, Doorashooyinka, Caddaaladda Sanaaduuqda Doorashayooyinka Iyo Doorashada Ka Bacdiba,” Musharrax Cabdiraxmaan Cirro”

Hadalka Musharaxa ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan lagu wado madaxweyne Biixi in uu booqasho ku tago dalka Mareykanka oo la dhacsan Doorashooyinka madaxweynuhu damacsan yahay in uu hagardaameeyo.

Comments are closed