|

Xiliga Madaxweyne Biixi ku beegan yahay Washington oo la shaaciyay

Washington (QJ) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la xaqiijiyay xiliga uu ku soo aadan yahay Magaalada Washington ee cariga Mareykanka.

Ilo wareedyo ku dhawdhaw xafiiska Somaliland  ku leedahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi Washington ku soo beegan yahay bishan March 18 keeda.

Safarka Madaxweynaha oo ah mid taariikhi ah ayaa imanaya xili dunida khaasatan Mareynakanku Somaliland ku eegayo il gaar ah.

Loolanka Mareykanka iyo China ee Geeska Africa ayaa fududeeyay in Somaliland iyo reer Galbeedku isku soo dhawaadaan.

Waxaana la filayaa in Safarka Madaxweynaha Somaliland uu qadiyada ictiraaf doonka Somaliland wax weyn ka tari doono.

Diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa mudo todobaadyo ah ka socday guud ahaan woqooyiga America.

Geesta kalena, Mucaaridka Somalland ayaa dhankooda isu diyaarinaya in ay mudaharaadyo kala hortagaan madaxweyne Biixi.

Comments are closed