|

Mareykanka oo xanibaya cidii carqaladeysa Dimuqraadiyada Soomaaliya

Washington (QJ) – Wasaarada arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay iney xayiraad dhinaca socdaalka ah saarayaan kuwa uu ku sheegay iney carqaladeynayaan hanaanka dimuqraadiyada Somalia.

Xogahayaha arrimada dibeda ee Mareykanka Anthony Blinken oo warkan soo saaray ayaan sheegin Magacyada shaqsiyaadka la saarayo xanibaada balse waxaa uu xusay iney ka go’an tahay taageerida nabada iyo dimoqraadiyada Somalia.

“Waxaan xaddideynaa Socdaalka kuwa ku lugta leh wax u dhimista dimoqraadiyadda Soomaaliya. Caqiidada habka dimuqraadiyadda waxay leedahay cawaaqib” ayuu yiri Antony Blinken.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya in si deg deg ay u soo geba-gebeeyo hanaanka doorashooyinka.

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka ayaa qoraalkiisa sidoo kale lagu yiri “Mareykanka wuxuu si xooggan u taageeraa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dhinac.

Comments are closed