|

Heshiis Maanta dhex-maray shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland

Hargeysa (QJ) – Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta oo maanta heshiis taariikhi ah la saxeexday shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland. Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay wadaaga lahaanshaha xadhiga internet-ka ee fiber-ka oo ay shirkadda Somcable gaar u lahayd in ka badan 10 sanno, iyada oo dibad joog ay ka ahaayeen shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka ugu waa wayn ee Telesom iyo Somtel.
Qoraal lagu faah faahinayo heshiiskan oo ka soo baxay wasaarada Is-gaadhsiinta Somaliland ayaa lagu yidhi sidan .
Waxa Maanta oo ay taariikhdu tahay February 08, 2022 guul ku soo dhammaaday heshiis dhexmaray shirkadaha Isgaadhsiinta iyo dawlada Jamhuuriyadda Somaliland. Heshiiskan ayaa nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ay wada yeelan doonaan shirkadaha isgaadhsiinta iyo dawlada Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu JSL.
Hirgalinta heshiiskan oo dhawrkii sanno ee u danbeeyey Wasaaraddu gacanta ku haysay ayaa waxa kaalin laxaad leh ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo aaminsan furfurnaanta suuqa Isgaadhsiinta si loo xaqiijiyo horumarinta suuqa Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda dalka.
Haddaba, heshiiskan oo ah mid taariikhi ah ayaa faa’iidooyinka ugu waaweyn ee heshiiskan waxa ka mid ah:
1. Midaynta maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet-ka ee Fiber-ka.
2. Kor-u-qaadida iyo tayaynta adeegyada internet xawaare sare leh oo qayb ka noqda horumarka dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo fududaynta helidda adeegyada dawladda.
3. In si habsami leh maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ka loo qorsheeyo loona mideeyo.
4. In maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ku uu fududeeyo helidda internet xawaarihiisu sarreeyo.
5. Heshiiskani waxa uu Somaliland u saamaxayaa in ay yeelato shirad kaalin weyn ka ciyaarta tartanka suuqa maalgashiga kaabayaasha xadhkaha internet ee fiber-ka ee gobolka.
Wasaaradda Isgaadhsiinta waxa marwalba ka go’an sidii saamilayda Isgaadhsiinta iyo suuqa isgaadhsiintaba dhex looga noqon.
Waxaana heshiiskan kala saxeexday
1. SOMCABLE oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Geeddi.
2. SOMTEL oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Ducaale.
3. TELESOM oo uu metelayey Ganacsade Cabdikariim Maxammed Iid.
4. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu u saxeexay Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa uga mahadceliyay heshiiskan shirkadaha.

Comments are closed