Gollaha Wakiilada: Wasiirka Qorsheyntu dhegaha ayuu naga fureystay
Hargeysa (QJ)- Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada, iyaddoo ka duulaysa Waajibaadkeedaa ku xusan Dastuurka Qaranka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Golaha Wakiilada, waxay tiraba afar warqadood oo sumadoodu kala ahaayeen GW/G/01/116/2021, kuna taariikhaysnayd 23/11/2021, GW/G/01/136/2021, kuna taariikhaysnayd 26/12/2021 iyo GW/G/01/116/2021, kuna taariikhaysnayd 30/01/2022 u qortay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka.
Sidoo kale waxa laba warqadood ee hore markii uu ku iman waayey ay u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo u diray warqad yeedhmo Gole weynaha ah oo sumadeedu ahayd GW/G/09/17/2022, kuna taariikhaysnayd 16/01/2022.
Intaa ka dib waxa uu Wasiirku soo codsaday inuu Guddida horyimaado arrintaasna uu raaligelin ka bixinayo, Guddidu waxay aqbashay codsigaas. Waxaanay Guddoomiyaha la wadaagtay arrinkaas, kaas oo Guddoomiyuhu la aqbalay codsiga.
haddaba, Intaa ka dib Wasiirku waxa uu si badheedh ah oo masuuliyada darro ku jirto uga baaqsaday kulankii Guddida, arrintaas oo ah Dastuur jabin iyo ku tumasho sharci oo uu masuulkaasi caadaystay, arrinka Wasiirkan waxa Guddidu go’aansatay in ay Gole weynaha ku celiso, si uu go’aan uga gaadho Dastuur jabintaas uu ku kacay.