|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wufuud Ka Timi Dalalka Jabbuuti Iyo Itoobiya Oo Dalka U Timi Ka Qaybgalka Xuska Ciidanka Qaranka

Hargeysa-02-02-2022-(QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wufuud kala duwan oo taliyeyaal ciidan u badan oo ka socday dalalka jaarka ee Ethiopia iyo Jibuuti, kuwaas oo dalka u yimi ka qaybgalka sannad-guurada 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland.

Wufuudda ka timi dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya oo ay hoggaaminayaan saraakiisha ugu sarraysa ciidamada kala duwan ee labada dal, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii uu madaxweynuhu saraakiisha ugaga mahadnaqi lahaa sida ay usoo sharfeen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay uga soo qaybgaleen munaasibadda sannad-guurada ciidanka qaranka.

Dhankooda, Waftiga saraakiisha ah ee ka kala socda dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu usoo dhaweeyey, waxana ay tilmaameen soo dhaweyntu tahay astaan ay caan ku yihiin bulshada reer Somaliland.

May be an image of 3 people, people standing, suit and indoor

May be an image of 5 people and people standing

May be an image of 4 people, people standing and military uniform

May be an image of 12 people, people standing and indoor

May be an image of 8 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 5 people, people sitting, military uniform and indoor

May be an image of 5 people, people standing and military uniform

May be an image of 3 people and people standing

May be an image of 6 people, people standing and indoor

May be an image of 3 people and people standing

May be an image of 2 people, people standing and outdoors

May be an image of 3 people and people standing

May be an image of 7 people and people standing

May be an image of 5 people, people standing and indoor

May be an image of 3 people and people standing

 

Comments are closed