Duufaanta Irma ee Faraha Baas ku haysay Gobolka Florida oo Hoos u Dhacday,Khasaaraha ay Sababtay & waddooyinkii isu rogeen webiya Biyo ah DAAWO
Florida 12. September 2017 (SDN/QJ):- Daadadka ayaa gaadhay laba Fiit, in ka badan hal miylan oo guri ayaa bilaa laydh ah. In ka badan 6.3 milyan oo qof ayaa loo sheegay inay isaga baxaan guryahooda. Duufaantan IRMA ayaa hore cagta u soo marisay jasiiradaha Kiribiyaanka, kuna dishay 27 qof.
Dabaylo xoogan oo ay duufaantu wadato ayaa ruxay geedaha iyo dhismayaasha Florida, sawiro ay baahiyeen warbaahinta gudaha Maraykanka ayaa muujinaysa geedaha oo dhulka ay la sintay. Mid ka mid ah madaxda gobolka ayaa sheegay in dad joogay jasiirada meesha ku taalay ay ku sifeeyeen inay xaaladu ahayd sidii qarax lala eegtay dhismayaasha oo kale.
Warbaahinta Maraykanka ayaa laga soo xigtay inay sheegeen inuu dhinta nin watay gaadhi ka dib markii uu geed ku dhacay baabuurkiisii. Iyada oo xoogan duufaantu uu ku wajahan yahay waqooyiga dhulweynaha gobolka Florida, ku dhawaan boqol kun oo qof ayaa loo daadgureeyey deegaan ay qoxoonti ku yihiin, sidoo kale 1.4 Milyan oo qof ayaa ku jira xaalada mugdi, ka markii duufaantu cagta marisay mashiinadii laydhka. Xeebaha Miyaami waxa dhammaan dhulka yaalay xadhkaha laydhka, waddooyinka ayaa isu rogay togag biyaha ah.
Geesta Kale Duufaanta Irma ee Ku dhufatay Gobolka Florida ee Dalka Maraykanka ayaa hoos u dhac ku yimid xawaarihii ay ku socotay.
Wararka ayaa sheegaya inay haatan socdaan xoogaa dabayl ah iyo daadad waxaana Shacabka Gobolka Florida markii u horaysay ay qiimaynayaan khasaarihii ay duufaantaasi gaystay.
Dad gaadhaya 6.2 Milyan oo Qof ayaa ku sugan xaalad Laydh la’aan ah oo Mugdi ah sidoo kale Lix milyan oo qof oo kale ayaa markii kowaad taariikhda waxay ka qaxeen Guryahoodii iyagoo tegay dhulka ay kaga nabadgeli karaan duufaanta Irma.
Duufaantan oo haatan sii diciifaysa ayaa u Jihaysatay dhanka waqooyi bari ee Gobolka Florida ee Dalka Maraykanka iyadoo saadaashu ay sheegayso inuu yaraanayo Khasaaraha ka dhalan kara hada wixii ka danbeeya.