|

Hogaanka Sare ee Xisbiga Shacabka Yemen ee uu Hogaamiyo Madaxweynihii Hore ee Yemen oo Ganafka ku dhuftay Go’aamo adag oo kaga Yimid Kooxda Xuutiyiinta

Sanca 12. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Koongareeska shacabka ee uu hogaamiyo Madaxweynahii hore ee Dalka yaman cali cabdallah saalax ayaa ganafka ku dhuftay go’aamo ay soo saareen kooxda xuutiyiinta oo lagu casilayo rag sarsare oo ka mid ah taageerayaasha cali cabdallah saalax.

Gudiga sare ee xisbiga Koongareeska yaman oo kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Sanca ayaa ku dhaliilay kooxda Xuutiyiinta inay wadaan qorshayaal ay ku wiiqayaan isbaahaysigii labada dhinac ka dhexeeyey.

Todobaadkan bilowgiisii ayay kooxda xuutiyiintu casileen hogaamiyayaal ka mid ah taageerayaasha Cali saalax oo qayb ka ahaa maamulka ay wadajirka u dhisteen ee maamula qaybta ay dalkaa ka haystaan, waxaana xilalkii ay hayeen laga qaaday mas’uuliyiintii golaha sare ee garsoorka iyo xubno la taliyayaal sare ahaa.

Comments are closed