Duqaynta Ku Socota Shacabka Suuriya Oo Gaadhay Heer Dadka Ku Waxyeeloobay Uu Sawirkoodu U Eekaado Kuwii Dadkii Hore Ee Lagu Soo Bandhigi Jiray Kutubta Taariikhda !
Dimishiq 12. September 2017 (SDN/QJ):- Qof kastaa marka uu sawirkan arko waxa markiiba maskaxdiisa kusoo dhacaysa in sawirkani uu yahay mid laga soo xigtay kuttubta taariikhda gaar ahaan taariikhyahandii ka soo jeedi jiray Dalka Greece, balse xaqiiqadu si aad ah ayay uga duwan tahay sidaasi waxaanu sawirkani ka turjumayaa murugada iyo darxumada ay shacabka dalkaasi Suuriya ku jiraan muddo sanado ah.
Sawirkan inoo muuqda waxa laga qaaday nin magaciisa la odhan jiray Cubayd Al-kackacji waxaanu ahaa nin u dhashay Dalka Suuriya oo ka soo jeeday Magaalada Al-raqa, sawirkan ayaa si kedis ah looga qaaday, kadibna wuu geeriyooday.
Sawirkan ayaa waxa uu tusaale u noqday dhibaatada ay duqaymaha kala duwan ku hayaan shacabka Dalka Suuriya, waxaana ninkaasi uu u geeriyooday duqaymahaasi awgeed waxa aanu u eekaaday kahor intii aanu geeriyoon nin jiray qarniyo badan kahor, sawirkan ayaa waxa uu cadayn u yahay waxa ka taagan gudaha dalkaasi.