|

18 Ka Mid ah Booliska Dalka Masar oo ay Dileen Kooxda Daacish & 7 Dhaawac ah

Qaahira 12. September 2017 (SDN/QJ):- 18 askari oo ah Booliska Dalka Masaar ayaa waxaa dilay Kooxda Daacish ee Bahalo galeenka ku noqday Gobolka Siinay.

Dilkan ayaa yimid Kadib markii kooxda Daacish weerartay kolanyo boolis ah oo marayayay Gobolka Siinay waxaa kale oo Weerarkan ku dhaawacmay Todoba askari oo Kale.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu dhimashada badnaa marka loo eego kii dhacay bishii July ee ay ku dhinteen 23 askari oo Masaari ah.

Kooxda Daacish ayaa Weeraro aan kala go’ lahayn ka gaysta Gobolka rabshadaha badani ka dhacaan ee Siinay.

Mileteriga Masar ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen Waxay ugu Hanjabeen Kooxda Daacish iyagoo nidar ku maray inay ka aargoosan doonaan.

Comments are closed