“Muuse Biixi Gobolada Galbeedka Cod Ugama Baahna Codkooda Wuu Isku Hubaa Ee Wax kale Ayuu Uga Bahanyahay”.Siyaasi Cabdicasiis Samaale DAAWO
Hargaysa 11. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale kana mid ah Saraakiisha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa Cadeeyay in Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbigaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi aanu cod uga baahnayn Gobolada Galbeedka Somaliland maadaama uu haysto Kalsoonida iyo Codadka Goboladaasi.
Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa hadalkan ka sheegay Mar ay Socdaal ku marayeen Deegaanada Faraweyne,Wado-makaahiil oo uu Wehelinayay Wefti uu Hogaaminayay Gudoomiye Muuse Biixi.