Mid kamid ah Wadamada Afrika oo ku guuleestay in Dayax Gacmeed Hawada sare u diraan
Ghana 11. July 2017 (SDN/QJ):- Dalka Gana oo kamid ah Dalalka kuyaala Qaarada Afrika ayaa markii ugu horeesay ku guuleestay in Dayax gacmeed u diraan hawada sare, waxaana Dayax gacmeedkan hawada loo diray loogu magac daray Chanasat-1
Dayax gacmeedkan hawada loo diray waxaa sameeyay arday wax kabarata Jaamacada Allnations University oo kutaala nagaalada Koforidua ee kutaala dalka Gana, waxaana dayax gacmeedkan laga diray xarunta Caalamiga ee Dayax gacmeedyada.
In ka badan 400- oo ah Injineero ayaa isugu yimid goob kutaala magaalada Koforidua ee dalka Gana kuwaa oo si weyn u faraxsanaa , waxa ayna Injineeradan iyo dad kale oo badan ay si toos ah u daawanayeen dirista Dayax Gacmeedka cusub ee loogu magac daray Chansat-1.
Diyaarinta Dayax gacmeedkan cusub ee loo diray hawada sare ayaa socday mudo labo sano ah, waxaana caawimaad iyo gacan weyn ka gaystay diyaarinta dayax gacmeedkan wakaaladda cilmi baadhista hawada sare ee dalka Japan
Dr Richard Damoah oo ah xariiriyaha mashruucan guuleestay ee Dayax gacmeedka hawada sare loogu diray ayaa sheegay in tilaabadan guuleesatay uu yahay mid bilow cusub u ah wadanka Gana , waxa uuna tilmaamay in hada kadib awoodi doonaan in ay sameestaan waxyaabo badan oo dhinaca howlaha hawada sare.
Dayax gacmeedka hawada loo diray waxaa loo adeegsan doonaa ilaalinta xeebaha dalka Gana iyo sameynta khariiradaha, waxaanu door weyn ku yeelan doonaa dhismaha hannaanka farsamada iyo sayniska hawada sare.