Niger: 15 Qof oo Xabsiga la Dhigay Kadib Markii ay Dileen Jeer
Niger 11. July 2017 (SDN/QJ):- Wararka Ka Imanaya Dalka Niger Ee Ku Yaala Galbeedka Afrika Ayaa Sheegaya In Shan Iyo Toban (15) Qof Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii Ay Dileen Jeer.
Wararka Ayaa Sheegaya In Jeertan Ay Toogteen Kadib Markii Ay Soo Weerartey Lo’ Daaqaysay Meel U Dhow Wabi Ku Yaala Ayorou Oo Ah Magaalo Ku Taala Galbeedka Gacanka Wabiga Niger.
Deegaankan Ayaa Waxaa Ku Nool Jeer Badan Oo Loogu Talagalay Dalxiisayaasha, Balse Dadka Degaanka Ayaa Marar Badan Ka Cawday Xayawaankan Oo Beeraha Xoog Ku Gala Kadibna Dalagyadooda Cuna.
Dadka Deegaanka Ayaa Sidoo Kale Sheegaya In Jeertu Ay Sidoo Kale Ku Cidhiidhiday Biyaha Wabiga.
Saddex Sano Ka Hor Ayey Sadex Caruura Oo Arday Ahaa Ay Dhinteen Kadib Markii Ay Jeeri Weerartey Doon Yar Oo Ay Wateen Meel Aan Ka Fogeyn Magaalada Niamey, Ee Caasimada Dalka Niger.