|

Xisbiga Waddani oo Dhawaan Furanaya Idaacad u Gaar ah oo Olalahooda Doorashada ay Ku Faafiyaan & Dareemada ku Gedaaman

Hargaysa 10. July 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa dhawaan Hawada soo Gelin doona Idaacad u gaar ah oo ka hadli doonta Mawjada Gaaban.

Sida ay Qurbejoog u Xaqiijiyeen Ilo lagu Kalsoon yahay oo ka Tirsan Saraakiisha Xisbiga Waddani waxay idaacadan ka Kiraysteen mid ka mid ah Shirkadaha ka ganacsada idaacadaha taas oo laga baahin doono Barnaamijka Xisbiga iyo Dacaayadaha uu ku gelayo Doorashadda Madaxtooyadda ee qabsoomi doonta 13 Bisha November ee Sannadkan.

Idaacadan ayaa la Mid noqon doonta tii uu samaystay Xisbiga Kulmiye Markii uu ku Jiray Tartankii doorashada Madaxtooyadda ee Sannadkii 2010-kii ee Horyaal.

Sida uu noo sheegay Sarkaal Sare oo ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Waxay idaacadani Xafiis iyo Weriyeyaal la mid ah kuwii Horyaal ee Kulmiye ku yeelan doontaa Caasimadda Somaliland ee Hargaysa,waxayna Idaacadani Hawada ku Jiri doontaa Mudo 30 Daqiiqo ah amase Saacad Badhkeed.

Abuuritaanka Idaacadan ay Furanayaan Xisbiga Waddani ayaa ka danbaysay Kadib Markii uu Xisbiga Waddani uu ka waayay Warbaahinta Dawladu maamusho inuu ka gudbiyo wixii fariimo ah ee uu bulshada u Jeedinayo,iyadoo taas badalkeeda laga baahiyo Idaacada Radio Hargaysa, Telefishanka Qaranka Iyo Wargayska Dawan ee Xukuumadu maamusho Warar Lidi ku ah Xisbiga Waddani Kuwaas oo taageero loogu doonayo Murashaxa ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca Kale Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani Isla Markaana ka mid ah Shakhsiyaadkii Sameeyay Idaacadii Horyaal ee Kulmiye oo Todobaadkii Tegay u waramayay Telefishanka HCTV ayaa Sheegay in Somaliland Yeelanayso oo Qudha Idaacada Radio Hargaysa,Isagoo Taas ku macneeyay in Idaacaduhu ka saamayn badan Yihiin Warbaahinta Kale dalkana ku keeni karaan Khatar nabadgalyo, Hasa yeeshee Mar la weydiiyey in Markii ay Horyaal furayeen ay arrintaas iska indho tireen ayaa waxa Tibaaxay in aanay Khatartaasi u Muuqan Waxaanu ku Bogaadiyey Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin inuu ku saxsanaa inaan la iska furan Idaacad,Wasiirku Waxa uu Carabka ku Xejiyey in Furitaankii Idaacadii Horyaal aanay ku noqonayn Denbi uu galay Maadaama sida uu Yidhi Idaacadaasi aanay Olin Gudaha Somaliland.

Dhanka Kale Xeerka Nidaamka Furista Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa Qodob ka mid ahi waxa uu Xisbiyada Qaranka u Fasaxayaa inay Furan karaan Warbaahin ay dacaayadahooda ku faafiyaan.

Shacab badan ayaa Saluugi Jiray hannaanka ay dacaayadaha u faafin jirtay Idaacadii Horyaal ee Kulmiye taas oo loo arki jiray Mid qaabka ay wax u faafinayso khatar gelinaysay Nabadgalyada iyo Kala danbaynta Maamul ee Somaliland ku naaloonayso,sidoo kale waxay dadweynuhu ka dhursugi doonaan Marka ay Hawada soo gasho Idaacadan Xisbiga Waddani furanayo Qaabka ay u marto barnaamijyada ay baahinayso.

Sidoo kale waxaa Waajib ah Sidii ay Warbaahinta Qaranku ugu adeegi lahayd Sadexda Xisbi qaran ee dalka ka Jira Isla Markaana u baahin lahayd wixii warar iyo Barnaamijyo ah ee ay Gudbinayaan halka uu Maanta Xisbiga Kulmiye ku Keliyeyastay Taas oo Shacabka soo Xasuusinaysa Wakhtigii Xukuumadii Daahir Rayaale oo Kulmiye Cod dheer kaga Caban Jiray Warbaahinta Dawlada oo Xisbigii Burburay ee Udub Dacaayadihiisa faafin Jirtay.

Comments are closed