Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Tallaabo Ka Qaadayso Hay’adaha Aan Diwaangelin Shaqaalahooda DAAWO
Hargaysa 10. July 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa Awaamiir ku soo rogtay Hay’adaha aan Dawliga ahayn iyo Shirkadaha Dalka ka shaqeeya, kuwaasi oo khuseeya qaababka ay u qaataan Shaqaalahooda..
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Cabdillaahi Obsiiye oo Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa Hay’adaha iyo Shirkadaha aan Dawliga ahayn u soo jeediyey inay Shaqaalahooda ka soo diwaangeliyaan, kuwa cusub ee ay qaadanayaana ay Shaqaalaysiintooda u maraan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Somaliland, haddii kale Tallaabo Sharciga waafaqsan laga qaadi doono.
Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Qofka Shaqaalaha ah waalla diwaangelinayaa, Heshiiska Shaqo ee Qofku uu Hay’adda la galayna waalla diwaangelinayaa, waxaana laga diwaangelinayaa Xafiiska arrintaa u qaabilsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, sidaana waxa sheegaya Qodobka 30-aad ee Xeer Lr31/2004 oo ka hadlaya Diwaangelinta Shaqaalaha.”
Wasiirka oo Daliishanaya Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ayaa sheegay “Qodobka 30-aad Farqaddiisa koowaad (Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah) waxay sheegaysaa, Qof kasta oo ka shaqeeya Shirkadaha iyo Hay’adaha aan kuwa Dawladda ahayn waa in la diwaangeliyaa, lagana diwaangeliyaa Waaxda Xidhiidhka shaqaalaha Rayidka ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulsahda. Markaa Qofka ama Hay’adda soo diwaangelin wayda Qofka u shaqeeya, ama aanay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu aanay ka haynin koobbi, Sharciga aad ayuu ugu tuntay oo wuu baal-marsan yahay, in Tallaabo sharciga Waafaqsan laga qaadana wuu mudan yahay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Farqadda koowaad (ee isla Qodobkaas) waxa kale oo ay tilmaamaysaa jago kasta oo ka bannaanaata Hay’adaha iyo Shirkadaha aynu kor ku soo sheegnay, waa in ugu yaraan Laba Toddobaad lagu faafiyo Wargeysyada Waddaniga ah.”
Wasiir Obsiiye waxa kale oo uu ka hadlay waxa Xeerkani ka odhanayo nidaamka Hay’adaha aan Dawliga ahayni u qaadanayaan Shaqaalahooda, “Farqadda labaad waxay leedahay, Xulashada Araajida (Dadka shaqo-doonka ah), Imtixaanka tartamayaasha ee Qoraal ahaan iyo Af ahaanba waxa wada-jir u samaynaya Guddi ka kooban 3 Xubnood, laba Qof oo loo shaqeeyaha ka socda iyo Sarkaal ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Imika loo-shaqeeyaha ayaa Imtixaanka Diyaarsada, loo-shaqeeyaha ayaa Imtixaanka qaada, loo-shaqeeyaha ayaa Imtixaanka saxa, sidaas ayay Hay’adaha badankoodu ku shaqeeyaan, sidaasi ma dhici doonto hadda ka dib.”ayuu yidhi.
Hay’adaha aan Dawliga ahayn ee Somaliland ka shaqeeya iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa Shaqaalaha u qaata si Madax-bannaan, halka Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobayna ay Shaqaale Ajaanib ah ka soo kaxaystaan Dalka Dibeddiisa.
Wasiirradii u kala dambeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa dhammaantood qorsheyaashooda ku darsaday inay diwaangeliyaan Shaqaalaha Hay’adaha aan Dawliga ahayn ee Somaliland ka hawl-gala, laakiin waxba kama fulin Qorsheyaashaasi.
Go’aammada uu soo saaray Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xilligan, ayaa ku soo beegmaya xilli ay Muddo-xileedkii Xukuumadda Somaliland ay ka dhiman tahay muddo aan Afar bilood ka badnayni.