Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Uk Lana filayo inuu Hogaamiyo Xisbiga Afaraad ee Ingiriiska oo Shaki Geliyey in Britain ay ka Baxayso Midowga Yurub
London 10. July 2017 (SDN/QJ):- Mudane ka tirsan baarlamaanka Dalka Ingiriiska ayaa shaki geliyey inay suurogasho ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga yurub.
Xildhibaan Vince Cable oo ku talo jira inuu hogaamiyo xisbiga afraad ee dalkaasi ugu weyn oo ah xisbiga dimuqraadiyiinta xorta ah ayaa sheegay in aanay suurogal noqon doonin in Britain ka baxdo midowga yurub maadaama ay xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jiraa si weyn ugu kala qaybsan yihiin arintaa.
Guuldaradii ay Treza May ku guulaysan weyday inay hesho aqlabiyada Baarlamaanka doorashooyinkii dhowaan dhacay ee degdega ahaa ayaa waxaa loo arkaa in xukuumada ay haatan hogaaminaysaa aanay awood iyo karti u lahayn sidii Britain iyo Midowga yuru u kala guran lahaayeen.
Vince Cable oo xisbigiisu ay 12 kursi oo keliya ku leeyihiin Golaha Baarlamaanka britain ayaa sheegay maanta oo axad ahayd in aanu filayn in Britain ay si sahlan uga bixi doonto Midowga yurub maadaama ay xitaa labada xisbi ee waaweyni ku kala aragti duwan yihiin arintaasi.