Maalinta Beri ah oo Caalamka Islaamka Looga Dabaal Degayo Munaasibada Ciidul Fidri
Hargaysa 24. June 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil C.laahi Axmed ayaa Daboolka Ka Qaaday in Caawa ay Tahay Habeenkii u Horeeyay ee Bisha Shuwaal Isla Markaana Waafaqsan 1438 ee Taariikhda Hijriyada.
Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaaftu Waxa uu Ilaahay ka baryay inuu inaga Aqlabo Soonkii aynu soo Soomaynayn Iyo Camalkii Wanaagsanaa ee aynu La Nimid Isagoo eebbe ka baryay inuu Sannadkan Sannadkiisa Inagu Gaadhsiiyo Bashbash iyo Barwaaqo.
Dowladda Sacuudiga iyo dowladaha Islaamka qaarkood ayaa ku dhawaaqay goor dhow in maalinta beri oo Axad ah inay tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.
Wasaarada diinta iyo awqaafta Sacuudiga ayaa sheegtay in Bari oo Axad ah tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga Bishana Laga Arkay dalkaasi Sacuudiga .
Dowlado kale oo ay ka mid yihiin Qatar, imaaraadka ,Malaysia ustaraaliya ,Indonesia,Iraq iyo Urdon ayaa sidoo kale saacado ka hor shaaciyey in maalinta beri ah ay tahay Maalin ciida ah.