|

Guddomiyaha X.WADDANI Ee Gobolka Salel Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Diyaarado Dagaal Oo Duqeymo ka Gaystay Gobolkaasi DAAWO

Saylac 24. June 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gobalka Salal ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Muddane Farxaan Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey diyaarado dhawaan duqeymo ka geystay deegano ka tirsan gobalkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in diyaaradahani ay yahiin kuwa qumaatiga u kaca isla markaana ay u maleynayaan dadka deegano in ay yahiin diyaaradaha dagaalka ka wada dalka Yemen ee sucuudigu hogaaminaayo maadama ay dhinaca badda ka soo kacayaan.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolkaasi ayaa ka gaabsadey in uu si cad u sheego cidda iska lahayd diyaaradahaasi.

Comments are closed