|

‘’Bashaar Ma Aha Cadowga Faransiiska, Cid Lagu Bedelaana Ma Muuqato’’ Madaxweynaha Cusub ee Faransiiska Emannul Macron

Paris 24. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Faransiiska Emanul Macron ayaa sheegay in aanu arkin cid sharci ah oo lagu bedeli karo madaxweynaha wadanka suuriya Bashaar Al-asad, dalkiisuna aanu marnaba u arkaynin in xil ka tegistiisu ay shuruud u tahay xallinta mushkilada Suuriya ee soo socday mudada todobada sanadood ku dhow.

Madaxweynaha faransiiska oo u waramayey sideed ka mid ah wargaysyada waaweyn ee qaarada yurub waxa uu ku sifeeyey bashaar al asad nin aan cadow ku ahayn dalka faransiiska, qorshaha Paris ee ugu horeeyaana uu yahay la dagaalanka kooxaha Argagixisada sida uu hadalkiisa u dhigay, iyo sidii loo damaanad qaadi lahaa in aanay suuriya noqonin wadan fashilmay.

 

Hadalan Madaxweyne Macron waa kuwo si weyn uga duwan fikradihii  ay xukuumadii ka horaysay ka qabtay Madaxweynaha Suuriya, waana afkaar faransiisku kula midoobayo Dalka ruushka oo mddo dheer ku doodayey in aanu jirin cid rasmi ah oo lagu bedeli karo bashaar al asad.

Comments are closed