|

Macallimiinta Wax Ka Dhiga Iskuulada Gobolka Colorado ee Maraykanka oo La Hubeeyay Iyo Sababta Keliftay

Colorado 24. June 2017 (SDN/QJ):- Macallimiinta wax ka dhiga iskuulada gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa loo tababarayaa inay hub ku dhex qaataan fasallada dhexdooda si ay ugu difaacaan ardayda.

Arrintan ayaa daba socota xasuuqii ka dhacay iskuul halkaasi ku yaala, sannadkii 2012 kaasoo arday badan lagu laayey.

 

Tababarkan oo qaadan doona muddo saddex maalmood ah ayaa ka kooban adeegsiga hubka iyo tababar dhanka caafimaadka ah, waxaana si rasmi ah xariga looga jaray talaadadii aan ka soo gudubnay.

 

Toddobo iyo toban xubnood oo ka mid ah shaqaalaha danaynaya in loo tixgaliyo in ay noqdaan dadka hubaysan ee durba ka jawaaba halista iskuullada soo foodsaarta ayaa ilaa iyo hadda ka qaybqaatay barnaamijkan.

Barnaamijkan tijaabada ah ayaa dadka mutadawiciinta ah u ogolaanaya in ay iskuulada la galaan hubka taasi oo hoos imaanaysa sharciga qaadashada hubka qarsoon.

 

Macallimiintan ayaa laga qaaday tijaabo dhanka toogashada ah oo ay ku sameeyeen degaanka Weld oo u dhaw Denver, halkaasoo lagu tijaabiyay awoodda ay u leeyihiin qaadashada hubka.

 

Barnaamijkan ayaa lagu qaadanayaa tababaro la xiriira dhanka ammaanka iyo ka jawaabidda xaaladaha degdega ah.

 

Waxaa arrintan iska kaashanaya waalidiinta, ciidammada ammaanka iyo khubaro caafimaad oo rumaysan in iskuullada ay yihiin bartilmaameed u jilicsan in weeraro lagu qaado.

 

Tababaradani ayaa la sheegay in aysan ahayn kuwo badalaya hawlaha ay qabtaan booliiska iyo laamaha ammaanka, balse waa mid u ogolaanaya macallimiinta iyo maamulayaasha in ay ka hortagaan inay si dhakhso ah weerarada kediska ah ee lagula kaco iskuulada.

Comments are closed