Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Cisbitaalka Guud ee Hargaysa Ku Wareejiyey Maandooriyaha Isbiirtada Mar Kalena Ka Hadlay Xadhigii Weriye Coldoon DAAWO
Hargaysa 20. June 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Axmed Ismaaciil Dalmar ayaa Ku wareejiyey Cisbitaalka Guud ee Hargaysa Maandooriyaha Isbiirtada oo Ciidamada amaanku soo qabteen isla Markaana ay Maxkamadu Xukun ku riday Kooxdii Lagu soo Qabtay iyo Kuwo kale oo Cabayay.
Waxa uu Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Mar kale ka hadlay Xukunkii ay Ku rideen Weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon Kadib Markii Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ay Siyaabo kala duwan uga hadleen Xukunka Weriyahaasi oo markii danbe lagu sii daayay Cafis Madaxweyne.