|

Warbixin Caalamiya Oo Daaha Ka Rogtay 9-Ka Waddan Ee Wakhtigan Dunida Lagu Macaluulayo Iyo Somaliland Oo Ka Mid Noqotay, Halkee Kaga Jirtaa Maxaase Gaajada Sababay

Hargaysa 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):-Inkasta oo ay dunida si caam ah sannadihii ugu dambeeyey hoos u sii dhacaysay xaaladda macaluusha iyo cunto la’aanta iyo guud ahaan saboolnimadu haddana Somaliland ayaa ka mid noqotay 9-ka waddan ee adduunka ugu macaluusha badan ee dadkeedu ku gaajoonayo sida ay baahisay hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee loo yaqaano FAO.

img_592f31-77e8cb-823275-355aa5-53aa88-bd8294Warbixintan oo dhawaan FAO soo saartay ayaa lagu sheegay inka badan 759-Malyuun oo qof in ay wakhtigan dunida guudkeeda ku gaajoonayaan oo aanay haysan wax ay afka galiyaan ama luqmad nololeed ah kuwaasi oo ku kala baahsan in ka badan 9-waddan oo loo aqoonsaday kuwa gaajada ugu badani wakhtigan ka taagan tahay. Waxaanay 9-kan waddan u soo kala horreeyaan sidan:

  1. Burundi– Waddankan oo ku yaalla qaaradda Afrika waxa ay warbixintani leedahay 70% dadkiisu waxa ay wakhtigan ku sugan yihiin xaalad cunto yari xataa gaadhsiisan heer macaluul ah oo ay malaayiin qofi ku sugan yihiin. Dagaalada sokeeye, sicir bararka iyo abaaraha iyo mashaakil kale oo badan ayaa dalkan ku sababay gaajada.
  2. Comoros – Jasaa’irka Comoros oo ka tirsan dalalka Jaamacadda Carabta kuna yaalla badweynta Hindiya ayaa kala badh dadkiisa lagu sheegay wakhtigan kuwo gaajoonaya, inkasta oo aanay tirada dadkiisu xataa Hal Milyan gaadhin.
  3. East Timor – Bariga Tiimoor oo ah dalkii ka go’ay Indonesia ayaa la sheegay in 30% dadkiisu gaajoonayaan kadib dagaalo sokeeye, abaaro, maamul xumo iyo wax soo saar la’aan ku habsatay.
  4. South Sudan– Waddankan oo Suudaan ka go’ay ayaa waxa uu noqday mid in ka badan 80% dadkiisu wakhtigan ku jiraan xaalad saboolnimo oo daran oo keentay gaajo iyo faqri badan. Dagaalada sokeeye, abaaraha, wax soo saar la’aanta iyo maamul xumada ayaa keentay gaajada dalkan.
  5. Sudan– dhawr jiho oo dagaalo kaga furan yihiin iyo muwaacimo dibadeed oo aan jirin iyo abaaro dalkaasi ka dhacay iyo waliba wax soo saarka dhinaca beeraha oo hoos u dhacay ayaa Suudaan ku keenay in ay gaajoonayaan in ka badan 30% dadkiisu.
  6. Ethiopia– Inkasta oo dalkani sannadihii ugu dambeeyey horumar dhaqaale iyo wax soo saar dhinaca cuntada ah uu ku sugnaa haddana wali waxa uu ka mid yahay dalalka adduunka ugu saboolsan. In ka badan 50% oo ah kala badh dadka dalkan ayaa gaajoonaya. Kacdoonada iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee deegaamada Oromia, Amxaarada iyo gobolo kale ayaa hoos u dhigay wax soo saarkii beeraha iyo cuntada.
  7. Yemen: Dagaalada Sokeeye ee dhiigga badani ku daadanayo ayaa keenay in faqrigii dalkaasi marka horeba hayay sii shan jibaarmo. In ka badan 40% dadka dalkaasi wakhtigan waa ay gaajoonayaan. Waxa dhammaaday kaydkii waxaana baaba’ay dhammaan nidaamkii dalka iyo wax soo saarkii.
  8. Madagascar: Jasiiraddan ku taalla badweynta Hindiya ayaa dhibaato weyni ka haysataa is baddalka dhinaca cimilada iyo masiibooyinka dhinaca deegaanka waxaana hoos u dhacay wax soo saarkii dalka dadkiisuna waa kuwo wakhtigan macaluulaya.
  9. Somaliland/Somalia- Somaliland oo aan wali adduunku aqoonsan waxa ay Soomaaliya la wadaagtaa dhibaatooyinka dhinaca faqriga iyo saboolnimada. Abaaraha soo noqnoqda, is baddalka cimilada, wax soo saar la’aanta beeraha, sicir bararka, maamul xumada iyo musuqa ayaa keenay in dalkan yare e Somaliland kala badh dadkiisa in ku dahwi gaajo la il daran yahay iyada oo laga dayrinayo ku dhawaad nolosha hal Milyan oo abaaro soo noqnoqday saameeyeen waxaana intaasi oo dhan la qaba Soomaaliya oo ay waliba iyada u sii dheer tahay amni xumo iyo dagaalo.

Comments are closed