|

Majaajilayste Reer Somaliland Ah “Magacaygu Waa Al-Raashimi, Waxaan Ahay Guddoomiyaha Dadka Xisbiyada Gala, Ee Ka Baxa, Ee Mid Kale Gala”

Hargaysa 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):-Abwaan Gurey oo ka mid ah Kooxda Matala Riwaayadda madadaalada ah ee laga siidaayo Radio Hargeysa iyo Muuqbaahiyayaasha Soomaaliga ah, ayaa Majaajillo ahaan ku soo bandhigay Dadka loo yaqaanno WEJI KU MACAASHKA AH ee Maalinba Xisbi cusub ku biira, iyagoo Dantoodu tahay dhaqaale raadis, ee aanu jirin Mabda’ iyo ujeeddo kale oo ay leeyihiin.

maxresdefault-5Abwaan Gurey oo Muuqaal kooban oo laga duubay Shalay lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho Sida facebook iyo Mareegaha Wararka, ayaa waxa uu sheegay inuu Guddoomiye u yahay Dadka hadba Xisbi Cusub gala,kuwaasi oo caanka ku ah inay kolba galaan halkii Dufan leh,waxaanay majaajiladani si gaar ah u taabanaysaa Ashkhaas caanka ah oo Somaliland intii Xisbiyada Badan la sameeyay dhawr jeer u kala gooshay Xisbiyada Siyaasada Somaliland.

Abwaanka oo Majaajilladan ku matalaya Magaca AL-RAASHIMI, ayaa isagoo arrintaasi si kaftan ah inoogu soo gudbinaya wuxuu yidhi“Magacaygu waa Al-raashimi,waxaan ahay Gudoomiyaha Dadka Xisbiyada gala, ee ka baxa, ee Mid kale gala ee ku kala u sii dhaafa, Doraad waxaanu ahayn (Garabka) Jamaal Cali Xuseen, markuu Dhallinyarada iyo Waxqabadkooda nagala dhammaan waayay ee aanu waxba ka fahmi waynay Xaggii kale (Dhaqaalihii), waanu ka baxnay, kamaanaan fogaan ee waxaan uga digo-roganay xagga Faysal Cali Waraabe, aanu u diga-roganee isaguna markuu Waddaniyad iyo hadal nagu asqaysiiyey, ee uu hal mar fadhiista oo Nafisa na odhan waayay isagana waanu iskaga baxnay oo Cirro ayaanu u galnay, Cirro-na Qosol buu nagu casuumay, waxogaa baanu la fadhiisanay, Hees Macaan baa la noo shiday, waanu fahmi waynay oo waanu ka baxnay isagana. Imika waxaanu ku sii soconaa Muuse Biixi, isaguna hadduu indho Cas-cas nagu soo eego waanu ka baxaynaa, Siilaanyo meel ka sokeysa kuma soconno, isaga laftiisa haddaanaan ka bixin.” Ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray oo farriin u diray Kooxda uu sheegay inuu Guddoomiyaha u yahay, “Waxaan farayaa kooxda aan Guddoomiyaha u ahay inaynu ka baxno meeshaynu fahmi wayno, halka aynu fahmo (Lacag ka helo) waynu ku jirnaa oo waynu la jirnaa. Codkana maalinta Doorashada haddaynaan seexan Cid ayuun baynu siin doonaa.” ayuu yidhi majaajilaystahan caanka ahi oo dadku aad u xiiseeyo.

Comments are closed