|

‘’Maxaan Dogob Beer Is Idhi,Daruuro u Soo Sasabay, Faysal bakhtigiisa inu iska rogrogto oo loo daayo wuxu ku dhaamo anigu garan maayo’’ Cali Guray

Hargaysa 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Somaalidu yaab bay leedahay! Qofku ilaa uu dharka tuuro oo isaga oo qaawan oo muddug ah ay arkaan inu waalan yahay ma rumaystaan. Faysal oo kale waxay yidhaahdaan mana waala sideenana maaha. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhakhtar caafimaadka maskaxda ah nin ku yidhi: Faysal waanu heshiinay. Dhakhtarki wuxu ku yidhi ” oo waa sedex Faysal eh kee baa heshiiseen?” Faysal bakhtigiisa inu iska rogrogto oo loo daayo wuxu ku dhaamo anigu garan maayo.

shirka-ucidHadii kale waaliyiba waalidiisa kale ayay kuu dhiibi si looga dhamaan karaana ma jirto mana daalayo oo waa qof aan xiskiisu dhamayn oo waalan oo foosto gun la’ biyo ku dhaaminaya. Ninka yidhaa waan la gudhinayaa dee horta Ilaahay waali ha waydiisto oo ha la waasho hadii kale qof xiskiisu dhan yahay isaga ayuun baa daali ee la gudhin kari maayo. Dad uu isagu meelaha ka soo urursaday ayuu doonayaa inta uu qol la galo uu yidhaa ii cumaamada. Isaga waxba kamay gelin Xukunkii Maxkamadda Sare oo xuntay in labada garab ay hawlgeliyaan guddi qabanqaabo oo 10 xubnood ah si is Le’egna ay labada dhinaca u soo magacaabaan oo dhinacba shan xubnood soo magacaabo. Halka uu marayana waa arkaysaan. Ku lahaa ” Xukunkii Maxkamadda Sare ayaan fulinayaa”. Lixdankii cishana waa gabaabsi mana aha suurtogal in xukunkii maxkamadu uu sidiisii u fuli doono. Maxaa talo ah markaa? Awal laba daran mid dooro waynu naqaanaye waxa soo socota AFAR DARAN MID DOORO. Hadii aanay noqon ka ugu dambaysta khasaaraya ee bakhtiga u hadhaa Ina Cali Waraabe ha noqdo garan maayo tu kale ilaa hadda cid haysa oo iila timi oo aan ku diidayna ma jirto. Inta ka hadhsan 60kii maalmood hadii talo midaysan la waayo anigu dogob beeri maayo waayo lama arag dogob ingagay oo xaabo laga dhigto mooyaane mid inta la beeray damal hadhwayn noqday oo cadceeda laga hadhsaday ama hoostiisa la isla tegay gondaha la is dhigay gudoon lagu soo qaatay. Muxuu yidhi Hadraawi:

MAXAAN DOGOB BEER IS IDHI

DARUURO U SOO SASABAY

Walee aniga ayaan dogob intaan beero daruuro u soo sasabin hadii tawraad iyo Injiil la igu akhriyo. Dogob Ina Cali Waraabe ha beero bal midhuhuu u dhalo aan eegno eh. Ninkii la beerayana waa isaga iyo garashadiisa kuma haysto anigu.

Caligurey

Comments are closed