|

Maamulka Ciidanka Dab_demiska Qaranka Oo Kormeer Ku Tagey Taliska Dab demiska Ee Magaalada Boorama +Sawiro

Hargaysa 25.October 2016 (SDN/QJ):- Maamulka Ciidanka Dab_demiska Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa kormeer ku tagay Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama,halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen maamulka Gobolkaasi.

 

Safarkan oo ay hogaaminayeen Taliyaha Ciidanka Dab_demiska Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili,Agaasimaha Guud ee Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi,Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka mida Guddida Ciidanka Dab_demiska waxaa sidoo kale iyaguna safarka qayb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka Dabdemiska.

 

Ujeedada safarkan  ayaa daarranaa dardargelinta Ciidanka Dabdemiska Magaalada Boorama iyo in loo kuur galo xaalada ay ku suganyihiin ciidanka Dabdemiska magaalada Boorama lana kormeero waxyaabaha u qabsoomay,waxa ka dhiman iyo qorshayaashooda.

 

Ugu horayn waxaa halkaasi maamulka ku soo dhaweeyay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal Mudane Axmed Diiriye oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin in maanta Magaalada Boorama yimaadeen maamulka guud ee Ciidanka Dabdemisku isla markaasina soo kormeeraan xaalada guud ee ay ku suganyihiin ciidanka,waxaana sidoo kale Badhasaab ku xigeenku warbixin ka bixiyay halka wax u mrayaan isagoo sheegay in wax u qabsoomeen wax badan oo kalena ay u hadhsanyihiin loona baahanyahay sidii looga wada shaqayn lahaa layskuna kaashan lahaa haday noqoto maamulka guud iyo Taliska magaalada Boorama oo wali curdin ah isla markaana u baahan sidii horumar loogu samayn lahaa.

 

Muuse sh. Cali oo ah Agaasimaha Ciidanka Dabdemiska ee magaalada Boorama ayaa maamulka warbixin ka siiyay tirade ciidanka,wakhtiyada shaqada ay galaan,gaadiidka ay haystaan,waxyaabaha u qabsoomay iyo waxyaabaha ka dhiman ee ay u baahanyihiin in wax lagagala qabto.

 

Dhanka kale Taliyaha Guud ee gobolka awdal Cabdiraxmaan Nuur Colahaye,Maayor ku xigeenka magaalda Boorama,Xoghayah gobolka Mudane Asad iyo xubno kale oo ka mida maamulka gobolka awdal gaar ahaan magaalo madaxdiisa boorama ayaa iyaguna iska daba maray in ciidnaka Dabademsiku kaalin weyn ugu jiro qaranka wax badan oo la taaban karana qabtay,isla markaana loo baahanyahay sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka Dabdemiska Magaalada Boorama iyagoo sidoo kalena sheegay inay aad u soo dhawaynayaan Maamulka guud ee dabdemiska qaranka.

 

Gabagabadii Maamulka ciidanka Dabdemiska Qaranka ayaa halkaasi soo  gunaanaday waxaana dhankiisa ka hadlay Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo ku dheeraaday aasaaskii ciidanka Dabdemiska magaalada Boorama iyo sida maamulka guud daacada uga yihiin hirgelinta iyo horusocdka ciidanka dab_demiska magaaladaasi.dhan kale Suldaan Axmed Daahir oo ka mida guddida ciidanka dad_demiska ayaa aad ugu dheeraaday waano uu siinayay ciidanka dabdemiska magaalada Boorama iyo maamulkaba waxaana sudlaanku tilmaamay halka laga soo bilaabay taliska ciidanka ee magaalda Hargeysa waxaanuu sheegay sudlaanku in Duqa caasimada,Xukuumada dhexe iyo dadweynaha oo is kaashaday ay hirgaliyeen taliska caasimada Hargeysa,Booramana taasoo kale looga baahanyahay.

 

Taliye Axmed Sawaaxili oo soo xidhay kulankaasi ayaa ku dheeraaday taariikhdii aasaaska ciidanka Dabdemiska ugu horayna laga bilaabay magaalada Hargeysa lagana soo bilaabay meel aad u hoosaysa maantana uu maraayo meel aad u wanaagsan cid kastaana ay ku soo hiranayso maanta,waxaanu taliyuhu intaa ku daray in ciidanka dabdemiska magaalada boorama oo muddo ka hor la aasasay la siin doono muhiimada isla markaana waxyaabaha ay u baahanyihiin iyo waxa ka dhimanba wixii macquula wax lagala qaban doono.

 

Ugu dambayn waxaa maamulku kormeer ku tagay halka laga hirgalinayo xarunta cusub ee ciidanka Dabdemiska Magaalada Boorama oo ah goob istaraatiiji ah kuna haboon ciidanka Dabdemiska.

one-maamulka suldanka-iyo-qodar top saddex takute two-maulka-iyo-qd oday

Comments are closed