Ergo uu Hogaaminayo Hogaamiye Xirsi Cali X.Xasan oo Kulan la Qaatay Gudoomiye Axmed Muumin Seed,Natiijada Wada Hadalkooda,& Dhaq dhaqaaqyo Iska Soo Hor Jeeda oo Ka Socda Hoyga uu Hargaysa ka degan Yahay Gudoomiye Seed
Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye kuxigeenkii Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed Ayaan Mawqif Cad ka qaadan Ergo uu hogaaminayey Xirsi Cali Xaaji Xasan ,Ergadaas oo Gudoomiye Ciro udiray Mudane Seed sidii ay ugu qancin lahaayeen Aqbalada Natiijadii Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani iyo Weliba inuu ka sii Mid ahaado Hogaanka Xisbiga Waddani.
Warar Xog Ogaal ah oo Qurbejoog ka Heshay Ilo lagu Kalsoon yahay ayaa Sheegaya in Gudoomiye Axmed Muumin Seed uu Cadeeyay inaanu Xiligan Go’aansan Sidii uu Wada hadal ula furi lahaa Gudoomiye C.raxmaan Cirro Iyo Mas’uuliyiinta Kale ee Xisbiga Waddani oo dhamaantoodba ku Sugnaa madasha uu Caddaalad darada ka tirsanayo.
Hogaamiye Xirsi Cali X.Xasan ayaa la soo Weriyey inuu dhinacyo badan ka hoga tusaaleeyay Gudoomiye Seed Qaabkii Shirku u dhacay Waxa uu Warku Xusayaa in Xirsi Cali X.Xasan uu ku qancay inay Khalad ahayd in Magaciisa laga horaysiiyo Murashax Maxamed Cali Aw Cabdi,Waxaa kale oo uu Hogaamiyaha Cusub ee Waddani u Balanqaaday Gudoomiye Axmed Muumin in loo Celin doono Kharashkii laga Shubay Markii uu go’aansaday inuu tartankaas ka qayb qaato Kaas oo dhan 50,000$ (Konton Kun oo Dollar’’ Isla markaana Xaal Marin buuxda uu hogaanka Xisbigu ka siinayo Wixii Gef ah ee uu Tirsanayo ,Hasa Yeeshee Sida wararka aanu ku helayno Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Mudane Axmed Muumin Seed ayaa Ka Gaws adaygay Balanqaadyada uu u soo qadimay Hogaamiye Xirsi Warku Wuxuu intaas ku darayaa in Ergada Xirsi Hogaaminayo iyo Gudoomiye Seed ay u Balameen Kulan kan Xiga oo la filayo inuu Maanta qabsoomo inkasta oo aan la Saadaalin Karin in Isbedel ku yimaado maadaama Gudoomiye Axmed Muumin Seed ay dhanka kalena kaga socoto Olole kaga imanaya dhanka Xisbiga Kulmiye oo raba inaanu ku noqon Xisbiga waddani Waxaana dhaqdhaqaaqaas dabada ka riixaya Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C.raxmaan Saylici iyadoo fulinta Hawlgalkana uu hor kacayo Suldaanka Beesha uu ka soo Jeedo Gudoomiye Seed Suldaan C.raxmaan Jaamac Dhawal.
Sidoo Kale Waxaa Olole Miisaan leh soo qaaday Xubno Salaadiin iyo Aqoon yahano Gobolka Awdal ka soo Jeeda oo raba inay qaab Sulux ah Isugu soo dhaweeyaan Murashaxa Guulaystay ee Maxamed Cali Iyo Gudoomiye Axmed Muumin Seed si aanay u dhicin Calool xumo labada raas ee ay ka soo Kala Jeedaan kala Tirsato.
Dhinaca kale Magaalooyinka Hargaysa Iyo Boorama waxa shirar doceedyo googoos ah uga socda Haldoorka Beesha uu ka soo jeedo Siyaasi Axmed Muumin Seed iyo tageerayaashiisa ,shirarkan ayaa salka ku haya sidii looga arinsan lahaa Mustaqbalka Axmed Muumin Seed, Inkasta oo ay Xoogan tahay Siyaasiyiin beesha Gudoomiye Ku Xigeenka ka soo Jeeda oo aaminsan in Axmed Muumin Seed aanu Meel Cidlo ah kaga dhaqaaqin Halgankii uu Wakhtiga badan geliyey ee dhismaha Xisbiga Waddani Isla markaana qaab dhaqan loo galo furdaaminta Xaaladii ka dhalatay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ee Lagu doortay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbigaas.