|

Ceerigaabo Oo Laga Helay Meydadka Laba Qof Oo Midkood Ahaa Wiil Sannadkan Dhammeeyay Fasalka Afraad Ee Dugsiga Sare

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):- Waxa Shalay Duleedka Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag laga helay Meydka Nin loo maleynayo in Dilay, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag.

meydka-nin-ceerigaaboMeydkan oo noqonaya kii labaa dee Magaalada Ceerigaabo laga helo dhowr maalmood gudahood, ayaa waxa Ciidammada Booliisku ka soo qaadeen halkii laga helay, waxayna dhigeen Cisbitaalka Guud ee Magaalada Ceerigaabo, si loola sugo Ehelkiisa ama Cid garata.

Taliyaha Booliiska oo Shalay Saxaafaddu wax ka waydiisay Dilka Marxuumka Meydkiisa la helay, ayaa yidhi, “Waxa la noo soo sheegay in Nin Meyd ah oo la dilay uu yaallo dhinaca bari ee Magaalada Ceerigaabo, markaanu u tagnay waxaanu ugu tagnay oo garab yaalay Bud lagu dilay, Falkaasina wuxuu dhacay Xalay (Habeen hore), Booliiskuna wuxuu baadhis ku wadaa Ciddii dishay iyo Sababtii loo dilay.”

Taliyaha oo la waydiiyey inay weli aqoonsadeen Marxuum kale oo isagana Meydkiisa oo del-delan laga helay Magaalada Ceerigaabo iyo sababta uu u maleynayo inay Dilalkan soo cel-celinayso, ayaa ku jawaabay, “Marxuumkaa hore waa la aqoonsaday, wuxuu ahaa Arday wax ka baranayey Magaalada Ceerigaabo.” Ayuu yidhi.

Hooyada dhashay Wiilka labaad ee Meydkiisa laga helay Ceerigaabo isagoo del-delan oo Warbaahintu kula kulantay Saldhigga Booliiska, ayaa sheegtay, “Wiilkayga wuxuu ahaa Cabdixakiin Maxamed Cabdillaahi waxa iigu dambeysay Tobankii Habeennimo oo uu suuqa dib ugu noqday markuu Casheeyay.” Ayay tidhi, “ILAAHAY samir iyo iimaan ha iga siiyo, markii horeba ILAAHAY baa I siiyey, imikana ILAAHII lahaa baa la tagay. Wuxuu ahaa arday Sannadkan ka baxay Fasalka Afraad ee Dugsiga sare.”

Comments are closed