Koontiinarro Laga Shakiyay Oo Lagu Baadhey Dekedda Berbera & Waxyaabaha la sheegay in lagu soo Dhex Qariyey
Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mida Koontiinaro uu siday Markabka ay leedahay Shirkada MSC ayaa maalintii Khamiistii ee Toddobadkii hore lagu baadhay dekadda Magaalada Berbera.
Koontiinaradan oo laga soo qaaday dalka Jabuuti, balse markii Hore ka yimid dalka Hindiya ayaa waxaa mid ka mid Koontiinaradii markabkaasi Dajiyay looga shakiyay inay ku jirto Maado Budo ah oo laga sameeyo waxyaabaha Qarxa, sida ay wargeyska Himilo u xaqiijiyeen qaar ka mida Hawl-wadeenada Dekadda Berbera oo magacooda ka gaabsaday.
Ilo wareedyada Wargeysku Helayo ayaa sheegay in markii Markabku dejiyay Koontiinarada ay masuuliyiin ka tirsan dawladda Jabuuti lasoo xidhiidheen Taliyaha Qaybta Tulbataariyada ee Dekedda Magaalada Berbera, kaasi oo loo sheegay in markabkaasi uu siday Koontiinar ay ku jiraan waxyaabaha Qarxa.
Markii Dawladda Jabuuti warkaasi soo sheegtay ayaa waxaa baadhitaan lagu sameeyay qaar ka mida Koontiinaradii markabkaasi siday oo ay lahaayeen qaar ka mida Ganacsatada Somaliland.
Ilo wareedyada aanu helaynaa waxay sheegayaan in Ganacsade Khadar Cagawayne uu lahaa Koontiinar sida khaaska ah loo baadhayo, laakiin baadhitaan kadib laga waayay waxyaabihii ay sheegtay dawladda Jabuuti inuu ku jiro Koontiinar iyadoo markii dambe laga helay Qasaalado Tiradooda lagu Qiyaasay 160 xabbo.