|

“Ragga Mujaahidnimo Ku Faanaya Ee Maxamed Kaahin Ka Mid Yahay Waa Kuwii Markii Aan Anna Faqashta Ahaa Habeen Walba Xabbadda Isku Ridaynay”….Wasiirka Shaqada Somaliland

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Qoyska Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland horena u ahaan jiray Wasiirka Wasaaradaha Xanaaanada Xoolaha iyo Duulista Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare) oo ka mid ah ahaa xubno Wasiirro ah oo ka qayb galay xaflad loogu wanqalayay Degmada Gumburaha oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Degmo cusub ayaa waxa uu ku faanay in uu ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii Maxamed Siyaad Barre ee umaddan dhibaatada weyn u gaystay isaga oo sheegay in Markii Maxamed Kaahin iyo ragga la midka ahi halkan (Gumburaha) xabadda ka soo ridayeen dhinaca SNM-ta uu isna xabadda ka soo ridayay dhinaca Ciidamada Maxamed Siyaad Barre oo ay dagaalo culus isaga hor yimaaddeen.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshadaWasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare) waxa uu sheegay in aan loo baahnayn in lagu soo celceliyo hadalo uu ku tilmaamay kuwo qabyaaladeed oo uu sheegay in wakhtigoodii la soo dhaafsay isaga oo umadda ugu baaqay in ay ka waantoobaan qabyaaladda iyo ku dhaqankeeda sidoo kalena Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Muj Maxamed Kaahin Axmed ku dhaliilay in ay ku faaneen mujaahidnimo haddii taasi timidna uu isna caddeeyey in uu dhinaca kale mujaahid ka soo ahaa.

Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar-yare) oo hadal kooban oo dardaaran ah ka jeediyey xafladdii wanqasha Degmada Cusub ee Gumburaha waxa uu yidhi: “Nimanka Faanka weyn leh ee ay ka mid yihiin Maxamed Kaahin ee halkan ka faanayay ee lahaa halkan ayaannu xabadda ka ridaynay oo Mujaahidiin ka ahayn waxa ay ahaayeen kuwii aannu habeen walba xabadda is dhaafsan jirnay markii aan anna faqashta ahaa miyaydaan ahayn. Markii aan faqashta ahaa Maxamed Kaahin iyo raggaa faanayaa waa kuwii aannu xabadda is dhaafsan jirnay. Muddo badan ayaan joogay dhammaan faqash waynu wada ahayn. Waxaan leeyahay waar wakhtigii dagaalkii ayaa dadka lagu ururin jiray waar intaasoo askari keen Suldaan Hebelow intaasi oo askari keen Caaqil hebelow intaasi oo askari keen.” Ayuu yidhi Wasiir Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax.

Comments are closed