|

Fannaanad Qurbejoog ah oo Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland uu Quluubteeda Ka Maydhay Mab’da ay Hore u aaminsanay & Aragtideeda Maanta

“Walaalloow Baashe, Waa Dayax 14aad Ah oo Gudcurkii Aanu 25 Sanno Ku Jirnay Naga Saaray, waxaanan Leeyahay…” Fanaannada Ayaan Taleex

Hargaysa 25 August, 2016-(SDN/QJ):– Fanaannada Ayaan Ibraahin (Taleex) oo ka mid ah fanaaniinta Somaliland ee qurbejooga ah  ayaa ka hadashay socdaal ay waqti xaadirkan ku joogto Somaliland iyo ujeedada ay u timi.

ayaan-taleexAyaan Taleex oo degen wadanka Norwey isla markaanna ka mid ahaan jirtay dadka kasoo horjeeda qaddiyada Somaliland horena u taageeri jiray siyaasadda Khaatumo balse dhawaan shaaca ka qaaday in fikirkeedaasi hore uu isbedel ku yimi kadib markii ay garawsatay xaqiiqada uu ku sallaysan yahay safarka uu gadh-wadeenka ka yahay wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Md.Baashe Cali Jaamac oo  guntiga u giijistay sidii uu deegaammada gobollada bariga Somaliland u soo gaadhsiin lahaa gobollada kale ee Somaliland isla markaana u fahansiin lahaa  dhadhanka ay dawladnimadu leedahay iyo sida ay ku heli karaan xuquuqda ay kuleeyihiin dalkooda iyo dawladooda.

Ayaan Taleex oo dhawaan kasoo kicintintay Magaallada Oslo ee xarunta wadanka Norwey isla markaana  muddooyinkii ku sugnayd caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa sheegtay in ay u xadhko xidhatay sidii ay uga qayb qaadan lahayd olollaha  maamul-fidinta iyo horumarinta bulshada ku suntan ee wasiirka wasaaradda biyaha JSL BAashe Cali Jaamac ka wado deegaannada Bariga Somaliland, diyaarna u tahay in ay kaalinteeda fanned kaga qayb qaadato wacyigelinta nabada iyo wadaniyada oo ee wasiirku hor-seeday.

Fannaanadda Ayaan Taleex ayaa Hoosta ka xariiqday caqabado meesha ka baxay haatan oo hore u hor-taagnaa  guullo badan oo laga gaadhay horumarinta dalka balse ay   dadka deegaannada Laas-caannood, Sanaag bari iyo gobolka Buuhoodleba ka qatannaan jireen.

Xog-waran uu  Tifaftiraha Wargeyska Hubaal  H. H. Keefkeef  xalay magaallada Hargeysa kula yeeshay  yeeshay Ayaan Taleex ayaa ay ku bogaadisay Wasiir.

‘’Walaalloow Waxaan dalka u imi inaan ka qayb qaato safarka nabadaynta iyo wacyigelinta xambaarsan ee muddooyinkan lagu soo dhawaynayo dadka deegaannada Bariga, khaasatan kuwa Khaatumo oo aan ahaan jiray hore dadka aadka u taageersan ee dibadaha ka waday heesaha lagu taageerayo Khaatumo State anigoo ka soo horjeedi jiray Somaliland balse haatan fikirkii aan hore u aaminsanaa meesha wuu ka baxay oo waxaan garawsaday in sida ugu habboon ee horumar wax ku ool ah lagu gaadhsiin kara bulshadayadu ay tahay siyaasadda xukuumadda Somaliland uga meel yaalla dadkaas ee uu Wasiir Baashe Cali Jaamac uga wakiilka yahay’’.

wasiirka khayraadka biyaha somaliland cali baashe

Photo File:Wasiirka Khayraadka Biyaha ee Fannaanad Ayaan Taleex ka Mahad Sheeganayso

‘’Waxaan arkaa in xaqiiqaddu tahay in haddii aan waxba ku weynay jidkii hore ee aanu maraynay iyo mucaaridnimadii aan hadda u soo leexanno dadkayaga ay dhalashada iyo dhaqashaduba naga dhaxayso ee Somaliland, isla markaana aanu wax la qaybsanno oo xuquuqdayada aanu ku helno”. Ayay tidhi Fanaannad Ayaan Taleex, waxaanay iintaa ku dartay mar ay ka jawaabaysay  aragtideeda la xidhiidha safarrada wacyigelinta diiwaangelinta, nabada iyo doorashooyinka leh ee uu deegaammadaas ku maray wasiirka biyaha Somaliland iyo xubnaha kale ee dawladdu , waxaa ay tidhi “Walaalloow waxaan muuqata in geedi dheer oo reer buuhoodle, ama reer Laascaanood amay deegaammada kale ee Dhulbahante ay ku jireen iyo mucaaradad iyo maamullo aan manfac lahayn uu hadda soo baxay dayax iftiinkiisu shiiqiyay gudcur aanu  25 sanno ku jirnay, Waxaan leeyahay Wasiir Baashe Cali Jaamac Waa Dayaxaas 14aadka ah, runtii isaga iyo xubnaha kale ee ama dawladda ha ku jiraan ama goleyaasha kale ha kamd ahaadaane waxaa waqtigan la gaadhay sidii gacmaha la isu qabsan lahaa”.

 

Fannaanadu waxaa ay farriin u dirtay qurbejooga ku dhaqan dibada iyo fanaanniiinta ay qurbaha wada joogeen iyo weliba taageerayaasheeda kala duwan ee dunida iyada oo ugu baaqday in ay ka qayb qaataan wacyigelinta diiwaangelinta doorashooyinka iyo safarrada nabada qurbaha ee deegaannada Bariga kasoo jeeda.

Source: Wargayska Hubaal

Comments are closed