|

Dawlad shacabka Muslimka ka Joojisay Xidhashada dharka Asturan ee haweenku xidhaan SAWIRO

Paris 25 August, 2016-(SDN/QJ):–  Dawlada Faransiiska ayaa  Joojisay In dumarka muslimka ahi ku  dabaashaan  Dhar Asturan.

 

xijabBooliiska Faransiiska ayaa xeebta Nice dharka kaga saaray haweenay Muslim ah oo xeebtaasi u tagtay inay ku dabaalato kadibna cashuuray.

 

xijab1Dawlada Faransiisku,  waxaa ay sheegtay in dharka asturan ee dumarka muslimka ahi xidhaan ay ka hor imanayo dhaqamada shacabka dalkaas oo ay sidaasi u joojisay.

 

xijab2Dawlada Faransiisku waxaa ay marar hore sidan oo kale isku dayday inay joojiso xijaabka ay xidhaan dumarka Muslimiinta ahi balse waxaa si wayn uga soo horjeestay Go’aamadaasi dadka muslimka ah ee ku nool dalkaas.

xijab3Haweeneyda la isugu daray ganaaxa iyo dhar ka siibida oo magaceeda la yiraahdo Siam ayaa sheegtay iney qoyskeeda la joogtay xeebta Nice aysana halkaas u tegin iney dabaalato, waxayna falka boolisku kula kaceen ku tilmaantay mid xoriyada diimaha ka dhan ah.

xijab4Faransiiska oo muslimiin badani ku noolyihiin waxaa dadka muslimka badanaa loo arkaa kuwo argagixiso ka tirsan waxaana cadaadis xoogani lasoo darsay kadib markii la weeraray huteel lagu caweeyo dabayaaqadii sanadkii hore.

 

xijab5Shacabka Muslimka waxaa inta badan cadaadis dhinaca diinta ahi kaga yimaadaa waddamada reer Galbeed kuwaasi oo inta badan isku daya inay waxyeeleeyaan ama diidaan dhaqan suuban ee Diinta Islaamka.

Comments are closed