|

Muqdisho:Qaraxyo Xalay Niskii dhexe lagu weeraray Guri ay degen yihiin wasiiro & xildhibaano ka tirsan dowlada Somalia

Muqdisho 24.Aug 2016 (SDN/QJ):- Kooxo hubeysan ayaa Xalay bambooyin ku weeraray guri ku yaala degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir kaasoo sida wararku sheegayaan ay degan yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Somalia.

 

Dhowr qarax oo isxigay iyo rasaas xoogan ayaa laga maqlay Xalay guriga la weeraray oo ay degan yihiin masuuliyiin uu ka mid yahay wasiiru dowlada Gaashaandhiga xukuumada Somalia.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaalada guriga oo loo qaaday markii dambe goobaha Caafimaadka ee magaalada.

 

Lama oga in xiliga uu weerarkan dhacayey ay guriga joogeen iyo in kale mas’uuliyiinta degan, balse waxaa halkaas gaaray markii dambe ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo ka tirsan dowlada Somalia.

 

Falal amaan daro ayaa ku soo badanaya habeenadan magaalada Muqdisho, habeen hore ayeyna aheyd markii bam lagu tuuray maqaaxi ku taala wadada Fagax ee degmada Yaaqshiid halkaasoo labo ruux ay ku dhimatay, todoba kalena ay ku dhaawacmeen.

Comments are closed