|

Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Jiida Laascanood Iyo Jiida Qorulugud Oo Heegan Culus Ku Jira Xili Ay Degaanadaas Qaarkood Ka Bilaabmen Diiwangelintii

Hargaysa 24.Aug 2016 (SDN/QJ):-Wararka Ka Imanaya Gobolada Sool Iyo Buuhoodle aya Lagu soo waramaya Inay Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiida Hore ee Laascanood Iyo Buuhoodle Heegan Culus Galay, waxaana Lagu soo waramaya Inay Maamulka Puntland si xoogan ugu Hawlanyahiin Inay Khalkhaliyaan Diiwangelinta Ka Bilaabantay Degaanada Bariga Somaliland Gaar ahaan Sool Iyo Buuhoodle.
Ciidanka-Qaranka-SomalilandWaxa Shalay Khalkhal Weyn Galay Jidka Isko Xidha Magaalada Laascanood Iyo Caynaba oo Sababtay Inay Shaqaalahi Gobolka Saraar Ka Shaqeynayay, Nabad Gelyo Darro Awgeed Ku Hakadeen Magaalada Laascaanod Marki Lagu soo Waramay Inay Dabley Hubeysani Gashay Jidka uu Dhaxeeya Laascanod Iyo Caynaba, Taasina waxey Sababtay in Goobaha Qaarkood ee Gobolka Saraar Ila Hadda Xiligan aanay Diiwangelinti Ka Bilaabmin Arrinkan oo Fashil Weyn Ku Noqonaya Komishanka Dooroshooyinka oo Habacsanaan Badani Ka Muuqato.
Gobolka Buuhodle aya Lagu so waramay inay Ila Xalay Maamulka Puntland oo Lacago Ku Soo Fororisay Magaalada Buuhoodle Iyago Halkaas Lagu Carqaladeynayo Diiwangelinta Ka Bilaabmaysa Gobolkaasi, waxaana Lagu soo Waramaya inay Maleeshiyo Beeled Fadhiyaana Wadooyinka Isko Xidha, Widhwidh Ila Horufadhi Iyo Ila Sool Joogto.
dhinaca Degmada Qorulugud aya Lagu soo Waramaya Inay Si Wanaagsan Uga Bilaabatay Qorulugud iyo Dhamaan Degaanada Hoos Yimaada, Innkasto ay Meelaha Qaarkood Qalabki Cilado Yar Yar Keenen Laakin si wanaagsan ayay Uga Bilaabantay, Qorilugud, Coodanle Balli Calanle Iyo Goobo Kale.
Waxi Ka so Cusboonada Diiwangelinta Ka Bilaabantay Gobolada Saraar, Buuhoodle Iyo Sool Kala Socda Shabakada Qurbejoog.com

Comments are closed