|

Wiil Siddeed jir Soomaali ah oo lagu dilay Sweden iyo Sababta keentay Dhimashadiisa

Gothenburg  24.Aug 2016 (SDN/QJ):-Wiil Soomaali ah oo siddeed sano jir ah ayaa lagu dilay magaalada Gothenburg ee caasimadda labaad ee dalka Sweden, kaddib markii wax loo maleynayo bamb gacmeed lagu soo tuuray gurigooda.

swedenpolice-300x225Sida uu qoray wargeyska The Independent wiilka oo lagu magacaabo Yuusuf Warsame ayaa ku dhashay waddanka Britain, waxaana isaga, hooyadiis iyo laba walaalihiis ah ay Sweden ku joogeen booqasho ay ugu tageen xubno kamid ah qaraabadooda.

Bamb lagu soo tuuray daaqadda guriga ayuu ku dhintay Yuusuf xalay, mana jirto cid kale oo wax ku noqotay falkan.

Sacdiyo Furre oo kamid ah ehelka qoyska wiilka la dilay ayaa sheegtay in guriga ay wax ka dhaceen uu ka xiran yahay wiil Soomaali ah oo lagu eedeynayo in uu ku lug leeyahay dil hore oo isla Sweden ka dhacay, arrintaasna la tuhmayo in ay la xiriirto dhacdada siddeed jirka lagu dilay.

Booliiska Sweden ayaa ku wada baaritaan falkan, mana jirto ilaa hadda cid loo soo qabtay.

Comments are closed