|

Canada oo difaacday labbiska haweenka muslimiinta ah Isla markaana Diiday Xadgudub lagu sameeyo diimaha

Ottawa  24.Aug 2016 (SDN/QJ):-Ra’iisal wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau  ayaa sheegay in dalkiisa aan laga mamnuuci doonin dharka ay xidhaan dumarka muslimiinta ah, dowladdiisuna ay difaacayso xuquuqda shakhsiga ku nool guud ahaanba Canada.

Canada-PM-300x152Wuxuu tilmaamay in shacbiga Canada ay caan ku yihiin is tix-galin iyo is xaq-dhowr, dowladduna ay ku hoggaaminayso hufnaan iyo maamul wanaag.

Ra’iisal wasaare Justin Trudeau  oo hadal ka jeedinayay kulan golihiisa wasiirradu ay uga hadlayeen arrimo ku saabsan sharciyada ayaa sheegay, in ku-xad-gudubka diinta iyo rabitaanka shakhsigu ay ka cadhaysiinayso, nacaybna ku abuurayso qaybo ka tirsan bulshada dalkiisa.

Wuxuu intaas ku daray, in aanay faragalin doonin labbiska haweenka muslimiinta ah ee ku sugan Canada, wuxuuna ku baaqay in la xushmeeyo xorriyadda iyo dookha shakhsiga.

Hadalka ra’iisal wasaaraha Canada ayaa yimid markii haweeney ka tirsan baarlammaanka dalkiisu ay soo jeedisay in la mamnuuco xidhashada dharka haweenka muslimiinta ahi qaataan.

Haweeneyda ayaa tallaabo ku dayasho mudan ku tilmaantay, sharciga laga dhaqan galiyay dalka Farance ee mamnuucaya xidhashada dharka ay xidhaan dumarka muslimka ah.

Comments are closed