Wasiirada Haweenka putland iyo sawiirada haweenka D F S oo gaadhay Qardho DHAGAYSO
Qardho,31.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiirada Haweenka Puntland marwo Aniso C/qaadair muumin iyo wasiirada Haweenka Dowlada fadaraalka soomaaliya Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa Gaaray magalada qardho ee xarunta Gobalka Kar kaar.
Wafdigan wasiirada ah ayaa waxa siween magalada Qardho ee xarunta Gobalka kar kaar waxaa soo dhaweeyay wasiirada ka qeeb qaatay odayaasha dhaqanka wax garadka haweenka dhalinyarada iyo qeebaha kala duwan ee Bulshada.
Soo dhaweenta wafdiga wasiirada ayaa waxa ay gaareen Guriga Boqor Burhaan boqor muuse waxyna ka cod sadeen in uu kala shaqeeyo sidii ay haweenka uheli lahaayeen qoondadii ay dowalada ay ku lahaayeen siyaasada soomaaliya.
ugu horeentii waxa boqor bur haan boqor muuse lahadlay Wasiirada Haweenka Puntland marwo Aniso C/qaadair muumin iyo wasiirada Haweenka Dowlada fadaraalka soomaaliya Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar waxeyna ka codsadeen in uu garab ku siiyo sidii ay uheli lahaayeen qoondadii ay ku lahaayeen Dowlada soomaaliya ee la soo dhisi doono dabayaaqadan sanadkan.
Ugudambeentii Boqor burhaan Boqor muuse ayaa uga mahad celiyay booqashada ay soo booqdeen Gurigiisa waxa uuna balan qaaday in uu kala shaqeenayo sidii ay u helilahaayeen qoondada ay ku leeyihiin dowlada cusub ee la soo dooran doono dabayaaqada sanadkan.