Koox ka Tirsan Ciidamada Liyuu Bolis ee Kililka 5aad ee Itoobiya oo Xalay Dad Shicib ah ka Afduubay Deegaanka Bisiqa oo 40 Km Burco u Jirta & Firxadkii Bulshada Gaashaamo oo Burco soo Galay
Burco 10.July 2016 (SDN/QJ):- Koox katirsan Ciidanka Liyuu boolis oo wata 4-Gaadiidka dagaalka ah masaafadii u dheerayd Gudaha ugalay Gobolka Togdheer ayaa Xalay fuliyey hawl gal ay ku Kaxaysteen Maxaabiis door ah inkasta oo Tiradooda aan la Xaqiijin.
Tuulada maleeshiyadu dadka kaxaystay oo lagu magacaabo Bisiqa ayaa Burco u jirta 40-km ah,Warar hor dhac ah ayaa noo Sheegay in dadka halkaas laga Kaxaystay ay dhamaayeen 5-ruux oo 2-kamid ahi yihiin Odayaal reer Burco ah,halka War kalena uu Sheegay in Tiradu ay Tahay 10 Ruux.
Lama Oga sababta Ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya ay u afduubteen dadkan ay ka Kaxaysteen Tuulada Bisiqa balse waxay qayb katahay Tacadiyada Joogtada ah ee Liyuu boolisku ku hayaan dadka deegaamadaasi oo tan iyo bilawga bishii ina dhaaftay ay kala dhaxaysay colaad kadhalatay xasuuqii Tuulada Jaamac Dubad.
Cabdiraxmaan Maxamed oo haatan ku Sugan Magaaladda Burco Isla markaana ka Soo Baxsaday Deegaanka Ina Nuur Muuse ee Degmada Gaashaamo ayaa Shabakada Qurbejoog u Sheegay in Jiidaas ay ka taagan tahay Xaalad adag oo dhinaca Nolosha ah Waxa uu Nasiib daro ku tilmaamay in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Federaalka oo la keenay degmada Gaashaamo ay noqdeen kuwo ka amar qaata Sarkaalka hogaaminaya Ciidamada Liyuu Booliska,Taasina ay Cirka ku sii Laashay Filasho kasta oo dadka deegaanku ka qabeen in dawlada dhexe ee Itoobiya ay ka qabanayso Ciidanka Liyuu Booliska oo uu ku Sifeeyay Kuwo ka Kooban hal Qabiil.
Cabdiraxmaan Maxamed Waxa uu Sheegay in Wiilashii Gaashaanqaadka ahaa ee Deegaanka Gaashaamo ku Sugnaa eheladoodu kula Taliyeen inay Lug kaga baxaan una Gudbaan dhanka Somaliland Waxaanu Intaas ku daray inuu Mudo Laba Caano maal ah uu u soo Kala Socday Tuulada Ina Nuur Muuse ilaa Gudaha Somaliland iyadoo aanu nasan isla markaana uu ka fogaanayay Meelaha Jidadka ah taasina ay ku keliftay inuu Kaymaha soo dhex Jibaaxo.
Maamulka Gobolka Togdheer ayaa Shalay Sheegay in Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Liyuu Boolisku ay Gudaha u soo Galeen Masaafo dhan 18 Km Xadka Somaliland Iyagoo Xusay inay Ciidamadan u arkaan kuwo ka dhan ah Nabada iyo Xasiloonida u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya.