Sidee loo qabtay Madaxweynihii la Deldalay ee Waddanka Ciraaq Sadaam Xuseen Xogta Dahsoon DAAWO
Hargaysa 15.June 2016 (SDN/QJ):- Saddaam xuseen waxa uu ahaa Madaxweynihii shanaad ee dalka Ciraaq, isagoo xilkaa qabtay sanadkii 1979-kii ilaa 2003-dii, taasoo noqonaysa muddo aan ka yarayn 24 sanadood, waxase uu ahaa mid dhuumasho ku jiray tan iyo intii ay ciidamadii xulafada Maraykanku gudaha u soo galeen magaalada Baqdaad, illaa ay ku qabteen godkii uu ku jiray, iyagoo aan la kulmin waxwax iska caabbin ah, iyagoo halkaa ka helay isaga oo keligii ah, saacado ka dibna waxaa telefishinada caalamka laga sii daayey iyadoo askartii Maraykanku baadhitaan jidheed ku samaynayaan si ay u xaqiijiyaan in uu isagii yahay.