DAAWO: Prof : Axmed Ismaaciil Samater oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye
Boorama,14,6,2016 (QJ/SDN) – Prof : Axmed Ismaaciil Samater ayaa si rasmiya ugu biiray xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye, waxana munaasabad balaadhan oo lagu qabtay Magaalada Boorame ka soo qayb-galay madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici hogaanka xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayay Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha xisbigaasi iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
Inta badan mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabada ayaa isku raacay in Axmed Samater uu wax weyn ku soo biirin doono Kulmiye iyo sidii uu u sii hayn lahaa talada waddanka.
Axmed Ismaaciil Samater oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ku biiro Kulmiye, ismarkaana uu ka qayb-qaadan doono horumarka dalka.