Biyo La’aan Ka Tagaan Magaalada Boorama
Boorama,14,6,2016 (QJ/SDN) – Wararka naga soo gaaraya Boorama ayaa sheegaya in biyo la’aan ba’an ay faro kulul ku heyso magaalada Boorama.
Biyo yarida ayaa waxaa loo aanaynayaa abaartii dhawaan lasoo maray dhamman dalka qeybihiisa kala duwan; ceelashii ayaa badanaa guray magaaladaas oo ka tirsan gobolka Awdal.
Inkastoo roobab badan ay gu’gii ka da’een Awdal hadana weli maaysan gaarsiisnayn intii la filaayay.
Boorama ayaa waxaa lagu qiyaasaa inay tahay magaalada labaad ee ugu dad badan Somaliland ayadoo xagga dadka badnaantiisa ku xigta Hargeysa isla markaana biyo badan maalin waliba dadku isticmaalaan.
Dadaalo ayaa waxaa haatan wada arintaa wax looga qabanaayo dawlada hoose ee Boorama ee gobola Awdal.