Ururka Midowga Afrika Oo Lagu Cannaanatay Aqoonsi La’aanta Somaliland
Hargeysa, 9 June, 2016-(SDN/QJ): – Majaladda la yidhaahdo The National Interest, ayaa warbixin dheer oo ay daabacday Doraad waxay kaga hadashay dawladnimada shaqeynaysa iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland, taasi oo ay ku sifeeyeen mid naadir ah in nooceeda oo kale laga hirgaliyo mandaqadda qalalaasuhu hadheeyay.
Warbixintan ayaa Wargeysku ku bilaabay sidan, “Somaliland oo shan iyo labaatan jirsatey, waxa ka hano-qaaday nabad tan iyo intii dalkan ku yaal Geeska Afrika ay jiray madaxbannaanidiisu laga soo bilaabo 1991.
Muddadaasi rubuc qarniga ah dunidu waa ay iska ilowdey dawladdan aan caadiga aheyn ee shaqeynaysa, waxaanay soo qabaneysay doorashooyin madaxbannaan oo xor ah tan iyo 2003, halka Soomaaliya oo ag taal ay noqotey dawlad fashilantay.
Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay caasimadda Addis ababa ee la jaarka ah ayaa ka cago jiidaya inuu u fidiyo aqoonsiga. Midowga Afrika iyo Itoobiya waxa ay ka cabsanayaan in ay ku soo kiciso in ay qeybo badan oo Afrika ahi sheegtaan madaxbannaani, aqoonsiga Somaliland waxa uu faa’iido u leeyahay Itoobiya oo ay badeecadaheedu dekedda Berbera ee gacanka cadmeed ugaga soo degi karaan cashuurta ugu yar. Waxa taa soo raacda in haddiiba ay Somaliland sii dheereyso nabadda iyo degganaanshaha ka jira, waxa ay u baahaneysaa in ay hesho hab sharciyeed aqoonsi iyo in ay hesho gargaar horumarineed.
Qaadhaan-bixiyeyaasha waxa soo jiidaneysa laba midkood: Arrinta ah Guusha Horumarka naadirka ah ee taabanaya fursadaha ay soo qadinto Qaramada Midoobey, kuwaasi oo u shaqeyn karaya qorshe ahaan. Ta kale in ay isha ku hayaan goob hoy u ah laba milyan oo dhalinyarro ah oo da’doodu u dhexayso shan iyo toban ilaa shan iyo labaatan oo waqtigan taageersan howlgallada ka dhanka ah argagixisada. Somaliland waxa ay ka mid tahay meelaha faro kutiriska ah ee sida joogtada u xaqiijiyay awoodda ay u leedahay in ay degganaanshaheeda ka samata bixiso gobol qalalaase hadheeyay iyo dhul madhaleys siyaasadeed ah oo ay ka jirto dowlad fashilantay tii ugu darneyd dunida.
Somaliland iyada oo aan wax gacan ah cidna ka helin ayaa waxa ay kasbatay in lagu sunto in ay hirgelisay dimuqraadiyad. Nidaamka saddexda xisbi ah oo ka shidaal qaadanaya habka baarlamaanka Ingiriiska ee labada aqal ka kooban, ayaa si weyn guul uga gaadhay in siyaasiyan laga soo dhiso xagga hoose. Marka lagu daro Kenya, Somaliland waa dalalka keliya ee loo arko in ay baarlamaanadoodu ugu yaraan xor yihiin Bariga iyo Badhtamaha Afrika.”