|

Madaxweynaha Somaliland Oo Wefti Wasiirro Ah U Diray SOOL & Ciidammada Qaranka Oo Amar Lagu Siiyey Inay Tallaabo Ka Qaadaan Beelihii Dagaalamay Ta Dib Colaad U Bilowda

Laascaanood 08.June 2016 (SDN/QJ):- Waxa Shalay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool gaadhay Wefti Wasiirro ah oo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u xilsaaray inay shaqeeyaan Daminta Colaadda labada beelood ee Walaalaha ku dhex martay deegaanka Dharkeyn-geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool.

Weftigan oo ay Wehelinayaan Saraakiil Booliis ah oo uu ka mid yahay Taliyaha Hawl-gelinta Booliiska Somaliland, ayaa isla Shalay kulan la yeeshay Guddida Nabadgalyada Gobolka Sool iyo Badhasaabka Gobolkaasi, waxayna kulankoodaa ka soo saareen Go’aamo hor-dhac ah oo wax lagaga qabanayo Xaaladda Colaadeed ee Deegaanka Dhargeyn-geeyo iyo labada Beelood ee Dagaalku dhex maray.

Go’aamada oo Ciddii fulin wayda laga qaadayo Tallaabo adag, ayaa waxa Warbaahinta u akhriyey Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), waxaanu yidhi, “Waxa La Soo Saaray Go’aamo kala ah, In Labada Beelood kooda Xabad bilaaba ama Weerar ay Ciidammada Qaranka JSL ay Gacan adag ku qaban doonaan, dhinacna ka noqon doonaan. Qodobka labaad ee aanu soo saarnay waxa weeyaan, inaan Magaalada Laascaaood laga ogoleyn Xaalad, Cid kasta oo samaysa Fal Nabadgalyo-daro oo la xidhiidha Colaadda Dharkeyn-geeyo iyo deegaannada kale ee Colaaddu ka jirto loola dhaqmi doono si adag, Ciidammada JSL ay qaadi doonaan Tallaabo adag, iyadoo la raaci doono Waayeelka labada dhinac hadday xakamayn waayaan Ciddii falkaa geysata.”

Xubnaha Wasiirrada ah ee Gobolka Sool gaadhay, ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Wasaaradda Qoyska, Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiiru-dawlaha Xannaanada Xoolaha iyo Hoggaanka Hawl-gelinta Booliiska Somaliland.

Dhanka kale, Warar Madax-bannaan oo Wargeyska Himilo ka helay aaggii Beeluhu ku dagaalameen, ayaa sheegaya in ilaa hadda Xaaladdu kacsan tahay isla-markaana suurto-tahay in xilli kasta uu dagaal dib u qarxi karo, inkasta oo Ciidammada Qaranku Amniga Guud Gacanta ku hayaan, amarna ku haystaan inay tallaabo ka qaadaan Beesha dib Xabad u ridda.

Comments are closed