|

Ciidanka ETHIOPIA Oo Ku Dhawaad 42-Ruux Ku Dilay Deegaanka Gaashaamo Ee DDSI

XASUUQ

Gaashaamo,6,6,2016 (QJ/SDN) – Ku dhawaad 42 qof oo shacab ah oo isugu jiray Caruur iyo Haween ayaa la sheegayaa in lagu dilay deegaanka tuulada jaamac dubad oo ka tirsan degmada Gaashaamo ee DDSI, iyadoo arrintani masuuliyadeeda lagu eedeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya.

Magaalada jaamac dubad ayaa ka tirsan degmada Gaashaamo ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana magaaladani ay 220KM  u jirtaa gobolka Togdheer ee Somaliland.

Sidoo kale, wararka ay warbaahintu helayso waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay gubeen qaar ka mid ah guryaha deegaankaasi.

Dhanka kale, illaa hadda lama garanayo sababta rasmiga ah ee ka danbeysay xasuuqa loo gaystay dadkan shacabka ah, iyadoona aanay jirin cid illaa hadda ka hadhashay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha arrintani kala soco wararkayaga danbe Insha Allaah.

Comments are closed