|

Wasiir Caddaani Oo Hadallo Naxli Ah Ku Duray Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Isla Markaana Fitno Kala Dhex Dhigay Masuuliyiinta Wasaaraddaasi Iyo Gudoomiyaha KULMIYE

fitno

Hargeysa,5,6,2016 (QJ/SDN) – Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa lagu soo dhaweeyay Muj Axmed Mire oo ka mid ahaa Halgamayaashi waawaynaa ee SNM .

Soo Dhaweynta Mujaahidkan ayaa ahayd mid aanay somaliland u kala hadhin, iyadoo Mujaahidku uu mahad balaadhan u jeediyay dhamaan dadkii soo dhaweeyay .

Geesta kale, waxaa saaka Madaarka ka dhacday arrin ugub ah ka dib markii Wasiir Caddaani oo ahaa Gudoomiyaha Guddida Qaban qaabada Soo dhaweynta Mujaahidkan uu telefan kula hadlay Gudoomiye Muuse Biixi isla markaana dhagta ugu riday in Taageerayaashii KULMIYE dibadda la dhigay oo loo diiday in ay gudaha u galaan Madaarka, ta baddalkeedana uu Gudoomiye Muuse Biixi isagoo aan waxba hubsan uu go’aan degdeg ah ku gaadhay in aanu gudaha Madaarka galin, intaasi ka dib-na Wasiir Caddaani ayaa hadallo Naxli ah ku duray Masuuliyiinta Wasaaradda isagoo meel fagaare ah ka sheegay in Madaarkaa ay haystaan Reer Gaar ah.

Wasiir Cadaani ayaa fitno kala dhex dhigay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Gudoomiye Muuse Biixi, maadaama uu hadallo naxli Aan jirin  uu u gudbiyay Muuse Bixii si uu u kala dilo dadka deegaankaasi oo ay masuuliyiintani ka soo jeedaan iyo Xisbiga KULMIYE , maadaama uu qaab reeraysan u hadlay oo uu u yidhi Reer Gaar ah ayaa Haysta oo u ujeeddadiisu ahayd in uu fitno kala dhex dhigo Beesha Degta Deegaankaasi iyo Xisbiga KULMIYE una muuqday nin u adeegaya Xisbiga Kale Ee WADDANI.

Waxaa xusid Mudan in Wasiir Caddaani uu amarrada noocan oo kale ah ee uu ku xoqayo Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista uu isagu caan ku ahaa, isagoo hore uu u bixiyay ammar madaarka lagaga hor istaagay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cade Waxaana is waydiin mudan Ma reerbaa Haystay markii  Masuuliyiinta madaarku ay Fulinayeen Go’aanka ka soo baxay Wasaarada markii uu Wasiirka ka ahaa Wasiir Cadaani Wasaarada Duulista mise waxay ahaayeen Masuuliyiin Qaran oo Fulinaayey Awaamiirtii Ay Go’aansadeen iyaga iyo Wasiirkooda.

Hadalladan  ka soo yeedhay Wasiir Caddaani ee uu ku Duray Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista ee ah in Reer Kaliya ay haystaan Wasaaradda oo uu ula Jeeday Markaasi Beesha (Ciida-Gale), waxaanay taasi muujinaysaa in uu uga shaqeenayo  Fitno uu kala Dhex dhigo Dadka Deegaankaasi iyo Xisbiga KULMIYE .

Ugu danbeyntii Dhamaan Dadkii maanta soo dhaweenta Mujaahid Axmed Mire ka qeyb qaatay ayaa banaanka Madaarka ku sugayay kuna soo dhaweeyay Mujaahidka, maadaama Wasaaradda Duulistu Mamnuucday in gudaha madaarka lagu sameen karo soo dhaween .

Comments are closed