|

Sucuudiga iyo dalalka Carabta qaarkood oo ku dhowaaqay iney bilatay bisha Ramadaan

ramadaan

Hargeysa,5,6,2016 (QJ/SDN) – Qaar ka mid ah dowladaha Carabta ayaa caawa ku dhowaaqay iney bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan, berina ay tahay maalintii koowaad ee Soonka.

Dalalka illaa hadda ku dhawaaqay in bisha Ramadaan laga arkay ayaa waxaa ka mid ah boqortooyada Sacuudiga, Urdun, Falastiin iyo Imaaraatka Carabta UAE.

Wadamada kale ee carabta iyo kuwa islaamka ayaan weli ku dhowaaqin bilashada bisha Ramadaan inkastoo ay dhici karto iney goor dambe war ka soo saaraan.

Soomaaliya oo ka mid ah dunida Islaamka ayaan weli laga sheegin bisha Ramadaan in la arkay iyo in kale, iyadoo Wasaaradda diinta iyo awqaafta ee dowlada Somalia ay sheegtay iney ku howlan tahay raadinta wararka ku saabsan bisha Ramadaan iyo haddii ay jiraan meelo laga arkay.

Dhanka kale, Dowladda Somaliland ayaa iyadu ku dhawaaqday in ay ramadaan tahay, iyadoona madaxweyne siilaanyo hambalyo u diray guud ahaan shacabka muslimiinta iyo kan Somaliland.

Ugu danbeyntii, Shabakadda Qurbejoog waxay guud ahaan muslimiinta adduunka ugu hambalyeynaysaa gaar ahaanna akhristayaasheeda curashada bisha barakaysan ee Ramadaan

Comments are closed