|

Mucaaradka Kenya oo Ka Soo Horjeestay In Dib Loo Celiyo Qaxootiga Dhadhaab

ODHINGA

Nairobi,,5,6,2016 (QJ/SDN) – Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loogu yeedho Cord, Raila Odinga ayaa u soo jeediyay  Xukuumadda Kenya inay dib u eegto ismarkaana ay ka laabato go’aankii ay dhawaan ku gaadhay in dib loo celiyo Qaxootiga Soomaalida ah eek u nool Xeryaha dhadhaab.

Odinga ayaa sheegay in marka hore ay haboontahay in Xukuumadda Kenya ay qaxootiga u dammaanad qaado amni ka hor inta aysan dalkoodii ku celin.

Hogaamiayaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada Qalabka Sida lagu dilo gudaha Soomaaliya Islamarkaana aanay Xilligan suuragal ahayn in dib loogu celiyo Qaxooti.

Raila Odinga ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maalintii shalay khudbad ka jeedinayay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Waxa soo badanaya baaqyada Xukuuadda Kenya loo jeedinayo Kuwaas oo loogu baaqayo in ay ka laabato go’aankeeda ay dib ugu Celinayso Qaxootiga Soomaaliya,balse Waxa ay u muuqataa in ay ku adkaysanayso Go’aankeeda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay ka xuntahay in Qaxootiga Soomaalida si khasab ah dib loogu soo celiyo waxana la filayaa in dhawaan Madaxweynayaasha Soomaalia Iyo Kenya ay kulan ka yeeshaan Qaddiyada Dib u Celinta Qaxootiga Xeryaha Dhadhaab.

Comments are closed