|

Xil. Siciid Cilmi Rooble Iyo Axmed Wayso Cadde oo Su’aalo iyo Dhaliilo Is Barkan ku Karbaashay Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 05.June 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Iyo Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo laga soo doorto Gobolka Saaxil ayaa dood iyo su’aalo kulul ku karbaashay Xubno ka socday Xukuumadda Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyada oo ay goob joog ahaayeen qaar ka mid ah Hogaamada Xisbiyada Muxaafidka iyo Mucaaaridka Somaliland ee WADDANI iyo KULMIYE iyo xubno kale oo ka kala socday bulshada rayidka ah, kulan gorfeyn ah oo ay soo qaban qaabiyeen Dalladda SONSAF iyo Akaademiga Nabaddu oo shalay ku qabsoomay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

KASHIFKulankan oo lagaga hadlayay gorfeyn sharci iyo doodo la xidhiidha heshiiska ay xukuumadda Somaliland wareejinta Dekedda Berbera kula gashay Kambaniga DPW, kaasi oo shalay la isku waajahay oo ay dood adagi ku dhex martay xubno xukuumadda ka socday oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire oo heshiiska DPW difaacayey iyo xubno u badnaa xildhibaano, siyaasiyiin Mucaarid ah iyo bulshada rayidka ah oo in badan oo ka mid ahi heshiiskaasi ku durayeen madmadaw badan oo ku jira iyo sida aanu marnaba wax dan ah ugu lahayn Somaliland.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo si gaar ah u bartilmaameedsaday Wasiir Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo shirka taageersanaa ayaa sheegay in gabi ahaanba heshiiskaasi madmadaw badan leeyahay oo aanu ka dhex arkayn wax dan ah oo qaranka Somaliland ugu jirta isaga oo mar walba ku celcelinayay in aanay reer Berbera marnaba ka soo hor jeedin Horumar lagu sameeyo Dekedda Berbera oo uu sheegay in ay tahay hanta qaranku wada leeyahay oo aanay cidina sheegan Karin, reer Berberina aanay marnaba odhan cid baanu ka xignaa Dekedda Berbera. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo daba socday hadalo uu dooddaasi ka jeediyey Faysal Cali Waraabe ayaa faysal ugu jawaabay sidan: “Adeer Faysalow hadimada umadda ka daa. Muxaafid baad tahay, wax aad ku difaacdo heshiiskan sharci darrada ah ma haysid, maxaad umadda u sheegaysaa. Xukuumadda aad taageeraysaa ma aha mid danta umadda wadda ee waa mid dano dhaqaale ka raadinaysa. Waxaan ka xumahay adoo xisbi dhan hogaaminaya in aad la soo taagan tahay heshiis aad ku taageerayso xukuumadda, sallacalee. Waar Faysalow taariikh madaw haku yeelan in aad dabadhoon u noqoto xukuumad wakhtigeedii dhammaaday”. Intaa kadib waxa uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble hadalo su’aalo iyo dhaliil isugu jira u laqimay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo madasha fadhiyey waxaanu ku yidhi: “Wasir Sacad waxaan leenahay, waxan aanu ka hadlaynaa waa heshiis qodobo ah oo aannu kula garanayno. Umaddani aqoon bay yeelatay ee ma joogto wakhti sheeko baraley looga sheekeeyo. Waxaad tidhi waddooyin baa la innoo dhisayaa. Adeer, haddii aad qaaadan garan waydeen waddadii Midawga Yurub innoo dhisayay ma carab baad rajo ka filaysaa iyo waddooyin ay kuu dhisto. Waar beenta umadda ka daaya oo hadimada kala taga”.

Sidoo kale dadkii badnaa ee shalay dooddaasi ka qayb galay waxa ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) oo xukuumadda ku dhaliilay heshiiskaasi isaga oo sheegay in gabi ahaanba heshiiskani dhibaato weyn oo qaran ku yahay dalkeena isaga oo sheegay in dekeddeenu ka qiimo badan tahay waxan ay ku bixinayaan 30-ka sanadood. Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) waxa uu Wasiir Sacad u sheegay in shaqaalaha uu sheegay in la daynayo uu isagu heshiiska ku hayo in la dareerin doono oo aanay is lahayn waxa dhab ahaan qodobada ku qoran MoU-ga hordhaca ah iyo waxan xukuumaddu dadka u sheegayso. Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) waxa uu farriin duur xul ah u laqimay Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo uu ku yidhi: “Abti Maxamed Kaahimow, Berbera cidna lagama sheegan karo, cidna lagama sheegan oo umadda ayaa wada leh ee waxa la leeyahay waar waxan aad soo walwaalaysaan aan eegno in uu dan innoo yahay iyo in kale”.

Xubnaha xukuumadda ka socday ee madasha fadhiyey waxa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyada oo dadkii madashaasi ka soo qayb galay ay aragtiyo kala duwan ka dhiibteen heshiiska hor dhaca ah ee xukuumaddu la gaadhay shirkadda DPW iyada oo dad badani saluug ka muujiyeen xubno xukuumadda taabacsanina ay ammaanayeen soona dhawaynayeen.

Kulankaasi ayaa mid aan waxba la isula hadhin oo weerar iyo is difaacid ah.

Comments are closed