|

“Markii Xukuumaddu Heshiiska La Gashay Shirkadda DP World Waxa Ila Soo Hadashay Jabuuti Oo Ii Sheegtay Inay Ka Xun Yihiin,Anigana Waa la iga Qariyey Qadhiidhkii Xaqul Qallinkii…” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, 3 June, 2016-(SDN/QJ): – Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe  ayaa ka shifay siro la xidhiidha heshiiskii Dekeda berbera saamaynta uu ku yeeshay Xidhiidhkii Somaliland iyo Jabuuti isagoo sheegay in markii xukuumada Somaliland heshiiska la gashay shirkada Dubai ports World ay isaga la soo xidhiidhay dawlada Jabuuti  una sheegtay sida ay uga xun tahay in heshiiska Somaliland iyo immaradka ay ku dhex aragto Ganacsade Cabdiraxmaan Boore  oo mucaarid wayn ku ah Xukuumada Jabuuti gaar ahaana Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele .

Faysal Cali WaraabeGudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxaa kale oo uu Sheegay inaan isaga Waxba ka soo Gaadhin Lacagtii Xaqul Qallinka isla markaana uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland uu ka qariyey Isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu Yidhi ”Markii Xukuumadu Heshiis la gashay shirkada Dubai Ports World waxa ila soo xidhiidhay jabuuti oo sheegtay inay aad uga xun yihiin inay waftiga Somaliland ku dhex arkan ganacsade Boore ..waxaanan idiin sheegayaa waxba horta laygama qadhiidhin lacagta yar ee xaqul qalinka ah ,wasiirka Madaxtooyaduna markii hore wuu iga qariyayba  lacagta yar ee xaqul qalinka ah waxaanan ku idhi miyaad qaybsanaysaan”ayuu ydhi Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hore u soo dhaweeyay Heshiiska dhex maray Xukuumada Somaliland Iyo Dawlada Imaaraadka ee Ku Saabsan Maalgelinta Dekeda Berbera Waxaanu sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo Talaabadaas uu ka midho dhaliyey uu ku gelayo Taariikhda.

Comments are closed