|

“Doorashada Goluhu Suurto-gelimayso Intaynu Ku Mashquulsan Nahay Khilaafka Qaybsiga Xildhibaannada, Ee Dadku Isbeddel Buu U Bukaaye Waa Inay Dhacdaa  Doorashadii Madaxweynuhu…..” Gudoomiye Saleebaan Gaal

Hargeysa, 3 June, 2016-(SDN/QJ): – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera, muranka la doonayo in la geliyo Maalinta Qaran ee 18-ka May, Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada iyo muranka ku salaysan Saami-qaybsiga ee hor-taagan in la ansixiyo Xeerka dib loogu soo dooranayo Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

 

SALEEBAANGuddoomiyaha Guurtida Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay dhaqdhaqaaqyada amni Daro ee Cali Khaliif ka wado Gobolka Sool iyo Buuhoodle iyo Tabashooyinka Beelaha Sanaa-bari.

 

Guddoomiyaha oo Shalay Saxaafaddu su’aalo ku waydiisay Magaalada Hargeysa, ayaa isaga oo ka hadlaya dhaqdhaqaaqyada Kooxda Cali Khaliif, waxa uu yidhi, “Haddii Muwaadiniinteenu innaga Cabatay ILAAHAY ha soo hadeeyo, hadday tahay Bariga Sanaag, Cali Khaliifna waa Ninkaa Ayda (Keynta) iska meeraya oo wax badan oo uu hadda ina yeelayo ma arko, Dadka ayaa lagala hadhayaa oo Dalku ka caban maayo, wixii kalena Dawladdaad waydiineysaan.”

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay heshiiska Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP World ee Maalgelinta Dekedda Berbera, “Dawladdu Heshiis bay gashay, Mid Waxtar leh ayay Aniga iigu muuqataa, laakiin Ninka Maqaarka Meesha Dal-daloosha ka ursanaya isaga ayay u taallaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inaan Heshiiskaasi khuseynin Golaha Guurtida ee la hor-geynayo Golaha Wakiillada, “Waa Arrin Dhaqaale oo annaga la nama horkeeno, iyagana (Wakiillada) koley waalla hor-geyn, halkeed ku deg-degsan tihiin idinku (Saxaafadda).”

 

Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa kale oo uu ka hadlay Doorashada Madaxtooyada, waxaanu ku taliyey inay Xilligeeda Qabsoonto, inkasta oo uu sheegay in aanay suurto-gal ahayn in la qabto doorashada Golaha Wakiillada inta uu jiro khilaafka ka taagan Saami-qaybsiga Xildhibaannada ee u dhexeeya Beelaha Dalka, “Doorashadii Madaxweynuhu waa inay dhacdaa, isaguna (Madaxweynaha) Isagoo dhaaranaya oo leh Maalin ku dari maayo waad maqleyseen, waan ku bogaadinayaa (Hadalkaa Madaxweynaha).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Doorashada Goluhuna waa inay dhacdaa, Dadku Isbeddel buu u bukaa Had iyo Jeer oo uu doonaa, ee Dadka ha lagu noqdo ma Khaladbaa, haba loo soo cusbooneysiiyee Dadkii ha lagu noqdo, waxa hor-taagana hala iska iloobo, khilaaf dhexdeena ah iyo qayb-siga Xildhibaannada Wakiillada ayaa lagu mashquulsan yahaye. Intaynu sidaa Mashquulka u nahay weligeed doorasho suurto-geli mayso.”

 

Guddoomiyaha Guurtida oo la waydiiyey sida uu u arko hadal uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ku sheegay in Maalinta Qaran ee Somaliland leedahay tahay 26-ka June, ayaa ku jawaabay, “Aniga Afka ha ii gelin Cirro’e Maalin Qaran baynu leenahay, Maalintaasi waa 18-ka May, 26-ka June Maaha, 26-ka June waa Maalin Qiimo leh, Laakiin Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May ee ha idin deeqdo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey in Beelaha Darafyadu ku dhawaaqeen Gooni isku taaga Somaliland, “Beelaha Darafyadu way ka qayb-galeen Go’aanka (Gooni isku taagga Somaliland) iyagaaba ku dhawaaqay Maalintii Go’aankii Burco, Beelaha Dhexe kumay dhawaaqin ee Beelaha Darafyada ayaa ku dhawaaqay, Maalin walba miyeynu isbeddelaynaa, inta diiddan waa Beelo yar, ee inta badan ee Somaliland ogol u daaya, maxaa inta yar idin tusay..”?

Comments are closed